Uncategorized

Faahfaahinta Qarax Lala Eegtay Goob ay ku Shirayeen Wufdi Ku Hawllanaa Soo Dhaweynta Madaxweynaha Turkiga

Muqdisho:Jan,22,2015(SDN/QJ)-Qarax xooggan ayaa goor dhaweyd ka dhacay Afaafka hore ee Hutel SYL oo ku yaalla duleedka Madaxtooyada Somalia, waxana badhtilmaameedku ahaa wafti turki ah oo ku hawllanayd soo dhaweynta madaxweyne Erdogan oo berry halkaas kasoo degi doona.

sylWararka hordhaca ah ee halkaas  laga helayo, ayaa sheegaya in waftigii qaraxa lala badhtilmaameedsaday aanay waxba ku noqonin, isla-markaana uu gaadhigii ku qarxay afaafka hore ee Huteelka, xilli ay Waftigu badhtamaha Hutelka ku jireen.

Ciidamo badan oo boolis ah, ayaa halkaas iskugu yimi, waxana dhinaca Madaxtooyada loo daadgureeyey waftiga turkiga ah, iyadoo war madaxtooyada laga soo saaray lagu sheegay inaan qaraxaasi hakin doonin booqashada madaxweynaha Turkiga ee Maalinta Berri.

Ma jirto wali cid sheegatay qaraxan, waxase la filayaa inay kooxda Al-shabaab ka dambeeyaan, waxana uu u muuqdaa mid lagu khalkhalgelinayo Imaanshaha Madaxweyne Erdogan oo berri halkaas kusoo beegan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com