Muqdisho:Jan,24,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Caasimadda Muqdisho, ayaa sheegaya in Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali uu miiska keenay Shuruudo dhawr ah oo uu kaga hortegayo Xildhibaanada Safafka dhaadheer ugu jira inay kusoo biiraan Xukuumadda uu dhawaan soo dhisayo.
Ra’isal wasaare Sharma’arke oo khaati ka taagan codsiyo uga imanaya Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka oo ay ku doonayaan inay kusoo galaan Xukuumadda Cusub, waxana uu Ra’isal wasaaruhu arrintaas u arkaa Caqabadda ugu weyn ee Xukuumaddiisa hor istaagi karto.
Talooyin badan oo uu Ra’isal wasaaruhu sameeyey, ayaa waxa uu ku keenay shuruudo dhawr ah oo uu caqabadaas kaga gudbiyo, maadaama xildhibaanadu ay diidan yihiin Xukuumad dhexdooda ka timi oo codkooda ay ku diidi doonaan xukuumad kasta oo ay ku dhex arkaan mudanyaal baarlamaan.
Shuruudaha lagu xujeeyay ayaa waxaa kamid ah:-
1-In shaqsiga doonaayo inuu kamid noqdo golaha wasiirada uu kalsooni iyo saxiix kala yimaado dhamaan Xildhibaanada beeshiisa ee ka tirsan baarlamaanka.
2-Inuu ahaado Xildhibaan ama wasiir hore oo aan laheyn mucaarad ka hor yimaada xiliga wasiirada la ansixinaayo.
3-In Odayaasha beeshiisa uu ka heysto kalsooni suuragalin karta inaan caqabad ku noqon xilka loo magacaabayo.
4-Inaanu aheyn mudane u taagan eegashada maslaxadiisa oo kaliya.
Wasiirada uu R/wasaare sharmaarke doonaayo inuu kusoo daro Xukuumadiisa, ayaa waxaa kamid noqon doono qaar kamid ah Wasiiradii ka tirsanaa xukuumadii dib loo ceshay.
SDN/QJ
