Uncategorized

Kumanaan Muslimiin ah Oo Si lama filaan ah Ugu Soo Biiray Dagaalka Fallaagada Ruushku Taageeraa Ka Wadaan Bariga Ukrain

Donets:Jan,24,2015(SDN/QJ)-Waxa markii ugu horraysay Dagaalyahanno muslimiin ah lagu arkay iyagoo ka barbar dagaallamaya Kooxa Rushku taageero ee bariga Ukrain dagaalka ka wada, waxana arrintaasi abuurtay shakib badan oo dalalka galbeedku ay qaadeen.

chenRagan hubeysan ayaa u dhashay Jamhuuriyada Jejniya waxeyna la safteen maleeshiyaadka la dagaalamaya dowlada Ukrain ee lagu magacaabo (Separatisten), waxana ay soo muuqdeen iyagoo ku dhawaaqaya Takbiirta uu islaamku caanka ku yahay.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta Jejniyiinta uga qeyb qaadanayaan dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Ukrain maadaama ay u dhaxeeyaan dad wada dhashay oo reer Ukrain ah.

Maleeshiyaadka u dhashay Jejniya ayaa inta badan lagu tilmaamaa kuwo dagaalo kasta loo adeegsan karo waxeyna tiradii ugu badneyd ku biireen dagaalada sokeeye ee ka holcaya wadamada Ciraaq iyo Siiriya.

Lama oga sida uu ruushku ula socdo kooxahan dagaalada ka wada Bariga Dalka Ukrain, waxase la iflayaa inuu  dib u eego sababta kooxdan oo uu dagaal kula jiro kusoo biirisya Jabhadda uu aasaasay ee Ukrain ku kacsan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com