Uncategorized

Sharciga Ammaanka Kenya Oo Markale Ku Hor Fashilmay Maxkamadda Rafcaanka Dalkaas Iyo Go’aankii Hore Loogu Laallay Qoddobo Kamid ah Oo Taageero kale Helay

Nairobi:Jan,24,2015(SDN/QJ)-Qoddobadii dhawaan Maxakmadda Sare ee Dalka Kenya ka saartay Sharciga Ammaanka ee Dalkaasi, ayaa markale ku horfashilmay Maxkamadda Rafcaanka dalkaasi ooh ore loogu gudbiyey Racfaan ahaan.

xargoGarsoorka maxkamada rafcaanka, ayaa diiday codsiga uu xeer ilaaliyaha guud ee dalka Githu Muigai ku doonayay in dib loogu soo celiyo 8-da qodob ee laga saaray sharcigaasi, taasina waxay ay farxad gelisay cidkasta oo sharcigan kasoo horjeedday oo dadka muslimiinta ahi kaw ka yihiin.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku doodayay in qodobadaasi aan meesha laga saarin, isagoo racfaan ka qaatay markii hore ee kazoo baxay maxkamada sare.

Garsoore Daniel Musinga oo ku dhawaaqay xukunka maxkamada ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud uu ku guul dareystay dhameystirka waxyaabaha looga baahnaa si uu u cadeeyo in qodobada la reebay ay wax u dhimayaan sharciga sii jiritaankiisa.

Garabka Mucaaradka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamada racfaanka, waxaana seneterka Countiga Siaya James Orengo uu sheegay in tallaabadan ay xoojineyso ku dhaqanka dastuurka.

Nuqulada ka mid ahaa xeerka amaanka ee la laalay ayaa waxaa ku jiray qodobka tilmaamayay in shacabka ay booliska fasax weydiistaan marka ay soo bandhigayaan sawirada dadka dhibanayaasha ah ee ay waxyeellada u geysteen kooxaha argagaixisada.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodob u ogolaanayay waaxda sirdoonka ee dalka in ay kormeeraan xidhidhada isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay isla markaana ay awood u yeeshaan in ay amar ku siiyaan xubin kasta oo ka mid ah shirkadaha bixiya adeegaasi in uu soo gudbiyo macluumaad, qalab, qoraallo ama codad diiwaan gashan, Documentiyo iyo waxyaabo kale oo loo arko in ay caqabad ku yihiin amaanka qaranka.

Sharci xadidayay tirada dadka qaxootiga ah ee loo ogolyahay in soo galaan dalka isla markaana aad u adkeynayay in ay magan galyo helaan ayaa isna ka mid ah qodobada meesha laga saaray.

Go’aanka Nuqullada looga saaray sharcigan ayaa ka dambeeyay markii siyaasiyiinta isbahaysiga Mucaaradka ee CORD ay maxkamada u gudbiyeen dacwad ka dhan ah sharcigaasi oo ay doonayaan in gabi ahaanba la joojiyo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com