Uncategorized

Xiisaha Kulanka Maanta Ee Xukuumadda Iyo Kulmiye, Xasaradayntii Xoogga Mucaaridka Iyo Xam-xamtii Xalay

Hargeysa:Mar,12,2015(SDN/QJ)-Maanta oo Khamiis ah waxa indhaha Bulshada reer Somaliland badideedu ku jeeddaa Shir ballaadhan oo xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu muddo dheer qaban qaabadiisa ku hawllanaayeen, kaas oo salka ku haya Jawaab meelfog gaadha oo la siiyo mucaaridka dalka oo isbahaysi samastay.

xamxKulankan ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Hutel Mansoor ee Magaalada Hargeysa, waxana qorshuhu yahay inay  Xisbiga Kulmiye Bulshada horyimaadaan oo aanay xukuumaddu halkaas ka muuqanin.

Kulamo qarsoodi ah oo lagu lafogureyey jawaabaha mucaaridka kulankaas looga tebin doono oo ilaa xalay socday, ayaa sida wararku sheegayaan ka dhacayey meelo ay kamid tahay Aqalka Madaxtooyadu, waxana Xubnaha Wasiirrada ah ee Kuraasta ku fadhiyaa ay ku dhiirigeliyeen Hoggaanka Xisbiga inay si buuxda u cambaareeyaan dhawaaqyaddii isdaba joogga ahaa mucaaridka kasoo baxayey oo in  badan helay Dhegaha  Bulshada reer Somaliland oo ku jaahwareersan Jihada xukuumaddu u socota.

Waxyaabaha jaahwareerka Bulshada ku keennay, ayaa waxa kamid ah tafan-taafka ku yimi muddadii doorashada oo xukuumaddu ku ceebaysan tahay mucaaridkuna ragaadka kusii fogeeyey, waxana Xukuumaddu isku dayeysaa inay Meel saarto Eedda Dibudhaca Doorashada oo wali guudkeeda ka laalaada mucaaridkuna Laambad iftiin badan ku shideen.

Xisbiga Kulmiye ayaa lagu wadaa inuu maanta munaasibadaas oo ay kasoo qaybgeli doonaan Waxgarad, salaadiin, dhallinyaro iyo taageerayaal lasoo abaabulay uu ku muujiyo inay doorashadu dib ugu dhacday Duruufo jira oo ka baxsan awoodda Xukuumadda, sidaas darteedna cid walba looga Baahan yahay Inay ixtiraamaan Go’aanka Komsihanka.

Indhaha Bulshada caalamka ayaa shirkan ku foorarta, waxana hadallo lagu wadaa inay kasoo jeediyaan Hoggaanka sare ee Xisbiga iyo Waliba Madax-dhaqameed xukuumadda taageersan oo loogu talogalay inay jawaabta mucaaridka la siinayo sii xoojiyaan, balse lama garan karo sida  uu kulankani u dhayi doono Dhaawacyada iy dakharrada xukuumadda ee Fashilka muddadii Doorashada.

Warwarka ugu weyn ayaa ah inaanu madaxweyne Siilaanyo haynin jawaab uu ku beeniyo warkiisii ahaa inaanay doorashadu hal maalin dib ugu dhici doonin, marka laga tago inay isaga iyo  saaxiibadiiba sheegayaan inay duruuf dhinaca sharciga ah oo maalintaasba jirtey dib ugu dhacday.

Si kastaba ha ahaatee waxa  la sugayaa natiijada kulankan maanta, waxana muuqata in awoodda Muxaafidku haatan ku jihaysan tahay inay hadalkooda ka daba geeyeen Isabaysigii mucaaridka oo ayaamahan  Dhegaha shacabka cidla ka helay, isla-markaana muujiyey inaanay wax aqoonsi ah u haynin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, wixii ka dambeeya 26-ka Bisha June oo ku eg muddo-xileedka Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com