Hargeisa 15.March 2015 (SDN/QJ)Shirkii Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa hada si rarsmi ah uga furmay Hutel maansoor ee Magaalada Hargeisa waxaana shirkaasi ka soo xaadiray dhamaan ergooyinkii loogu talo galay ee gobalada masuuliyiintii xisbiga wadani Xildhibaano iyo Qaybo ka mid ah taageeryaasha xisbiga wadani oo goob joog ka ah xafladan oo lagu dooran doono Hogaanka dhalinyada heer qaran ee xisbiga Wadani.
Halkan ka akhri Khudbadii Guddoomiye Cirro ka jeediyay Shirweynaha Dhalinyarada ee Heer Qaran.
Khudbadda Gudoomiyaha Shirka 1aad ee Heer Qaran ee
1. Furitaanka: soo dhoweyn iyo munaasaba Waa Shireynihii 1aad ee Garabka Dhallinyarada Dhallinta ee Xisbiga WADDANI
– Waa kii noociisa ah ee Xisbiyada Somaliland u qabteen dhalinyaro , Waa astaan in Xisbiga Waddani ay Dhalinyaradu u lafdhabar u tahay , Waa midaynta dhalinyaradda Somaliland ee ka kala yimi min Dhahar ila Sayla , min Borama ilaa Badhan, min Laas Caanood ilaa Laas Geel., Waa bilowgi suggidda caddaladda dawrka hablaha oo 30% ergooyinka
laga codsaday inay hablo ka soo dhigaan. Waxaan shirkan idiinku qabanay inaad qabyaaladda kaga baxdaan oo noqotaan hal qabiil keliya oo magaciisa la yidhaa WADDANI kuna abtirsataan. Haddii la idink weydiiyo jilibka ama ardaaga aad ka tihiin jawaabtu WAA GARABKA DHALLINYARADA .
2. Dhalinyaradu:
– Waa mustaqbalka Somaliland: waa maskaxda, muruqqa, maalka iyo kaydka Qaran oo kobcin iyo korin inooga baahan ,Waa khayraadka ugu muhiimsan ee Qaranka maanta haddii loo abuuro fursado la maali karo xoggooda iyo maskaxdooba Isagoo ka duulaya arrimaha kore, Xisbiga WADDANI waxa mabda’ asaasi u ah in uu hooy u noqdo dhalinyaradu kaas oo ay ku koraan, ku hawlgalaan, kuna dhistaan hiigsi barwaaqo.
3. Caqbadaha Hortaagan Dhalinyarada
Xagga Sharciga iyo da’da: Waxa Xisbiga WADDANI siyaasaddiisu u adeegaysaa in dhaliyarada Somaliland laga horqaado caqabado sharci ee ka hortaaggan in ay hoggaamainta dalka ka qaybgalaan. Xagga Dhaqanka:
– In dabarka laga furo sidii ay si buuxda looga fa’iidaysan lahaa xooggooda iyo maskaxdooda oo ay kaalin mug lehna uga qaataan horumraka dalka iyo bulshadaba. Waxaa Xisbiga WADDANI ugu yaraan 30% siinayaa hablaha fursadaha shaqo iyo hoggamintaba
Shaqada:
Xisbiga WADDANI wuxuu la dagaalamayaa caqabadaha xagga shaqada kaga yimaadda dhallinyarada ee da’da lagu riixo; Qaraabo kiiliyo Gobolaysi:
Xisbiga WADDANI wuxuu sugayaa caddaaladda u tartanka fursadaha shaqo, waxabarasho, iyo maalgashi.
4.Mudnaanta Waxbarashada iyo Isbootiga
Siyaasadda Xisbiga WADDANI ee horumarka Somaliland waxaa mudnaanta kobaad leh in la dhiso khayraadka dadka (Hunan Resource) ee dalka. Waxa lagu dhisayaa waa waxbarasho tayo iyo baaxadba leh. Waxa kow mudnaanta leh oo ay u adeegaysaa siyaasadduna daryeelka dhaliyarada.
Waxana Iyana uu Xisbga WADDANI mudnaan gaar ah siinayaa baahinta iyo kor u qaadidda awoodda isboorti ee Somaliland oo halbowle u ah barbaarinta dhalinyarada: waa koriinka garaadka, jidhka iyo wada- noolaashaha bulshada (social).
– si taas loo helo, waa in goob kasta oo wax barasho ama deegaan loo qorsheeyo xarunta ciyaaraha kala duwan ( Sports Centre).
5. La tacaalidda Tahriibta
– Tahriibta waxa sal-u ah: rajo beel ka dhasha waayida waxbarasho, shaqo iyo waayista caadaaladda tartanka fursadaha ,Tahriibta Waxa xal u ah: in xoogga la saaro sidii dhibaatooyinkaas looga horqaadilahaa dhalinyarada;
WADDANI waxaa ka go’an
– in ay dhalinyarada loo soo celiyo RAJADA taas oo keeni kartaa aaminaada dalkooda; loona abuuro fursadihii ay kaga qayb qaadan lahaayeen horumarkiisa iyo hoggaamintiisa oo aanay cidna u daba fadhiisan. Waa inaan aminaa in dalkeenna NIMCO FADHIDO loona sinaanado nimcadaas.
QODOBO GUUD
Doorashooyinka:
– Jadwalkii uu soo saaray KDQ waxa uu ahaa kii loo baahnaa oo yimi waqtigii loo baahnaa. Komishanku wuu dadaalay marka la eego cimrigiisa. Waxay maanta u baxeen soo dhisidda komishanka Gobolada iyo degmooyinka. Waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu hawshaas u fududeeyo. Waxaan ka rajeynaynaa inay soo dhisaan siidhi walaayaal tartamayaasha si cadaalad ah ugu garsooora.
Komishanka Doorashooyinka Qaranku maaha Komishanka Diiwaagelinta Qaranka. Waxaan ka sugaynay inay cayimaan maalinta doorashada. Maalintaas cayimaadeeda waxaan uga sugaynaa sida ugu dhakhsaha badan. Waanu adagnahay, waanu ku adagnahay , waanu ku adagnahay in Komishanku maalintaas cayimo. Shacbiga Somaliland iyo bulshada caalamka oo saaxiibka la ah shacbiga Somaliland ee inaga taageerada gedi socod dimquraadiyada dhawaaqaas way sugaayaan, si weyn bay u sugayaan. Cayimidda maalintaas waa waajib sharciya oo saaran komishanka.
Komishanku waa inuu soo saaraa jawdal dhamaystiran oo doorasho una gudbiyaa Madaxweynaha JSL.
Madaxweynuhu wuu inuu jawalkaas ku soo saara dikreeto Madaxweyne mudada sharcigu siiyey inuu ku soo saaro oo aan ka badnayn 15 maalmood.
Mowqifka Xisbiga WADDANI waxa uu la mid yahay mowqifka ISBAYHAYSIGA MUCAARIDKA oo ah haddii doorooshinykii madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada JSL ku qabsoomi waayaan waqtigooda, in sida ugu dhakhsaha badan la isugu yimaado talo qaran.
Wada Hadalada Somalia
Marar badan baan xusnay in wadahadaladaasi ay madhalays noqdeen Waa ilaahay mahadii, haddii shacbiga iyo xukuumadduba nagu raaceen soo Jeedintayadii in la hakiyo wadahadaalkaas. Marwo Faadumo Siciid waxay wafdiga Somaliland ee tegeyey shirka u sheegtay mowqifka Xisibiga WADDANI.
Haddii saaxiibada Somaliland caalamku la yimaaddaan hab ka duwan kan madhalayska noqday, waanu soo dhoweynaynaa in aynu la eegno, laakiin waa in marka hore aynu doorashooyinka is dhaafina oo inagoo dib u tashanay aynu eegnaa fa’iido iyo muddaraba waxay yeelan
karaan.
ALLAA MAHAD LEH
===================
WADDANI MEDIA
