Uncategorized

“Saddexda Gole Ee Dalka Ka Taliya Laba Wakhtigu Wuu Dhamaaday,Guurtida qayb badan oo ka mid ah ayaa biilka caruurtooda lagu aamini waayay” Madasha Wada Tashiga DAAWO

Hargeysa 23.April 2015 (SDN/QJ)- Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaamay muddo ka duwan ta Komishanka doorashadu soo jeediyay ee halka sanno ah oo guurtidu u kordhiso Xukumadda Siilaanyo iyo golaha wakiilada.

Siyaasiyiinta Madasha wadatashiga ku midaysan, ayaa Shir jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen ku sheegay in Guurtida haldoorkii hore u maddu u dooratay ka dhamaaday marka laga reebo 12 xubnood. Inta kale ayaa ku joogta dhaxal.