Uncategorized

Nin Lagu Eedeeyey Aflegaadada Nebi Muxamed N.N.K.H Oo Shabaabku Xukun Dil ah Ku Fuliyeen

Jamaame:April,25,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa shalay Toogasho ku fuliyey Nin ay ku eedeeyeen inuu Aflegaaddo u geystay Nebi Muxamed N.N.K.H, kaas oo muddo gacantooda ku jirey.

wecXukunkan qisaasta waxa uu ka dhacay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe. Boqolaal ka mid ah dadka deegaanka, ayaa isugu soo baxay Fagaaraha uu xukunku ka dhacay.

Qaadiga Maxkamadda Degmada Jamaame ee Ururka Al Shabaab, ayaa magaca ninka la qisaasay ku sheegay Maxamuud Mursal Muuse, isla-markaana uu qirtay in uu aflagaado u geystay Suubanaha.

Qaadiga, ayaa ku goodiyay inay tallaabo noocani oo kala ah ku fulin doonaan shakhsi kasta, oo aflagaado u geysta Nebi Muxammed (NNKH).

Ciidamada Xisbada ee Ururka Al Shabaab oo saf la geliyay, ayaa meel dhowr tallaabo ah ka toogtay Maxamuud Mursal, waxaana isla xalay lagu aasay qubuuro ku yaala Degmadaasi.

Dhacdadan, ayaa waxaa si weyn u hadalhaya dadka degan Degmada Jamaame, kuwaa oo khadka teleefanada ku wada xidhiidhaya, kuna wada sheekeysanaya ninka la dilay.

Waa dilkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo Shabaabku ka geystaan dhulka ay gacanta ku hayaan. Shabaab waxa uu hore xukuno kala duwan uu ugu fuliyay dad isugu jira rag iyo dumarba.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com