Hargaysa 24.April 2015 (SDN/QJ)- Somaliland waa dal muddo badan la dabaal joogteeya dariiqa dimu-quraadiyadda adduun weeynaha, waana mid curdin ah oo aan wali qaan-gaadhin. Marka laga hadlaayo arrimaha doorashada waxa lagu tiriyaa mid muddo kar ah. Maadaama oo uu yahay dalku yaalla Geeska Africa oo ah meelaha aan sidaa weyn loga tix-gelin arrimaha dimu-quraadiyadda. Somaliland dadka arrimaha Geeska siyaasadooda ka faallooda waxay ku sheegen dal isku fillaaday oo aan baahi-baadan ka qabin in laga caawiyo arriamaha ay ka mid yihiin, xagga dhaqaalaha, amniga iyo suggida xudeedaheeda. Marka laga yimmaado xaaladahaas Somaliland waxay xidhiidh saaxiib-timo la leedahay Kooxda loogu yeedho Beesha Caalamka. Kuwaaso mararka qaarkood ka caawiyoa xagga dhaqaalaha lagu gallo doorashada. Iyadoo dalalka taageera dimu-quraadiyaddu ay si ballaadhan ugu amaanaan.
Hadaba marka aynu uu dhaadhacno dulucda qormadan. Waxa gaababsi ah Muddo xilleedka madaxweynah Somaliland Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sidaa sharcigu ogol yahay muddaadi shanta sanno ahayd ee la doortay uu hadhsan tahay. Wax aan gaadhin saddex bilood. Waxana muddooyinka danbe Somaliland shacabkeeda as-qeeyey weedhaha kasoo yeedhayeyey siyaasiyiinta, asxaabta iyo waliba dhaadhaar ka xukumiga ah ee Gollaha Guurtida. Waxa kale, oo iyana aan meesha ka maqneyn doorka dib u dhaca doorashada oo lagu micneeyo inay sababteeda lahayn Xukuumada somaliland. Taas oo lagu nisbeeyo car caqalladeyn badan oo ay sammeysay. Kuwaas oo ay kow ka ahayd Nidaamkii diiwaan gelinta Medeniga ahayd oo meesha ka saartay inay dalka hore uga qabsoonto diiwaan gelinta Cod bixiyaha. Marka la yimmaado amuurahan oo dhan waqti xaadirkan waxa jiraa dabeyl siyaasadeed oo soo billaaban-tay dhowaan markii ay Gollaha Wakiiladda Hor tageen xubnaha Komishanka doorashooyinka Somaliland, Kuwaas oo cayimay muddaada dalka ay doorasho kaga qabsoomeyso. Waxanay Hoosta ka xariiqeen muddaada saxda ahii Noqon doonto badhtamaha sannadka danbe 2016-jun 1-kowdeeda. Hadaba xilligaas dhawaaqoodu kasoo yeedhay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka somaliland. Waxay collaad siyaasadeed oo hor leh ku beertay Gollaha Guurtida somaliland oo ahaa meesha intaa badan loga arimiyo marka uu dhmmaado muddo xilleedka Hoggaanka dalku inay sammeeyan mudada kama danbeysta ah ee lagu gaadhaayo xilliga doorashada ee rasmiga ah. Waxana dhawaaqa Komishanka sii layaab leh uga cadhooday Guurtida oo ku tilmaamntay inay jabiyeen qodob dastuuri ay ku sheegen waxanay xubnaha komishanka ku eedeyen. Inay yihiin kuwo aan aqoon badan uu lahan sharciyadda dalka.
Si kastaba ha ahaatee, waxa komishanku dhawaaqeen waa muddaada ay ku qaban karaan doorasho xor iyo xalaal ah. Guurtiduna waxa ay eegenayaan maslaxadda nusdanbeedkeedu yahay sidii ay xukuumadda maanta tallada haysaa ugu sammeyn lahaayeen Muddo kordhin ay caado ka dhigteen kuwaas oo lagu siiyo Lacag badan oo la sheeggo midkiiba xidigisu xildhibaanka uu gooyo Guri ama Gaadhi mid uun. Waxana uu muuqata in car-qalad hor lehii soo food saartay Mudanayaasha Gollaha Guurtida oo ay meesha ka baxday. Shaanbaddi ay rabbeen inay xukuumada siilaanyo ugu dhuftaan dhawr sanno oo muddo kordhin ah. Hadaba su”aasha is-weydiinta mudan ayaa ah somaliland mid kee uu dan ah muddo kordhinta Guurtida iyo go’aanka Komishanka Somaliland. Waxana lo bahan yahay in la isku tanaasulo oo ay meesha ka baxdo ku jiq siida maadaama oo danta somaliland . ku jirto isku tanaasul iyo wax wadaa-lahansho.
W/Q
Cabdi Casiis Bashiir Nor.
