Uncategorized

Guurtida Iyo Wakiillada Somaliland Oo Maanta U Ballansan Inay Cod u qaadaan Xilka-qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Iyo Filashada Jirta

Hargeysa:April,25,2015(SDN/QJ)-Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland, ayaa maanta u ballansan fadhi wada-jir ah oo lagaga arrinsanayo waxa laga yeelayo xilka-qaadistii uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali.

koxFadhigan oo uu madaxweyne Siilaanyo Dalbaday, isla-markaana laga hor akhriyey Fadhiyadii ugu dambeeyey ee Golayaashaasi lahaayeen, ayaa ah awood distoori ah oo golayaashaasi leeyihiin, waxana madaxweynuhu ka codsaday inay waajibkooda ka gutaan tallaabada uu xilka kaga qaaday Guddoomiyahaas.

Kulankan, ayaa la filayaa in xubnaha intooda badani ay kasoo qaybgalaan, isla-markaana lagaga doodo jidka uu madaxweyne Siilaanyo u maray xilka-qaadistaas iyo inay tahay mid ku haboon xaaladda garsoor ee waddanka ka taagan oo cabashadoodu aanay qarsoonayn.

Ilaa iyo haatan wararka soo baxaya ee la xidhiidha xilka-qaadista Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare, ayaa  muujinaya inaanay jirin wax debecsanaan ah oo uu guddoomiyahaasi ku lahaa Bulshada dhexdeeda, waxana muuqda Dareennada la xidhiidha in tallaabadaasi ahayd mid haboon oo wax ka tari karta Burburka iyo rajo darrada ku habsatay Hay’adaha Garsoorka Dalka.

Golayaasha ayaa codkooda u qaadi doona xilka-qaadistaas, waxana filashadu ay tahay inay taageeri doono iyagoo isku duuban caydhinta Guddoomiyahaas hore, iyadoo haddii ay sidaas u dhacdo uu madaxweyne Siilaanyo si degdeg ah usoo magacaabi doono Xubin cusub oo buuxisa Xilka  Maxkamadda Sare ee Dalka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com