Muqdisho 26.April 2015 (SDN/QJ)-Taliyaha laanta Socdaalka Somaliya Gen Cabdillaahi Gaafow ayaa ka jawaabay muwaadin dhawaan ka deggay garoonka diyaaraha ee muqdisho isagoo ku safraya baasboorka Somaliland isagoo garoonkaasi lagu tacdiyay.
Cumar Jaamac Faarax, oo ka mid ah Masuuliyiinta hay’addaha Samofalka, islamarkaana ah Muwaadin reer Somaliland ah ayaa Somalia oo takoortay Basboorka Somaliland oo uu sitay, isagoo Xukumadda Somaliland ugu baaqay inay u hawlgasho sidii Basboorkiisa loogu soo celin lahaa.
Halkan ka daawo muuqaalka Cumar Jaamac Faarax
https://www.youtube.com/watch?v=E5euSmjG99g
Hadaba Taliyaha laanta socdaalka Somaliya Cabdillaahi Gaafow ayaa sheegay inaan lagu tacdiyin wallow gaafow uu sheegay in ay diideen baasboorka Somaliland oo uu jaamac ku safreyay markii uu mareyay garoonka Muqdisho ee Aadan Cade.
Taliye Cabdillaahi Gaafow ayaa sheegay inuu Cumar arimo siyaasaddeed galiyay isku socodka Somaliland iyo Somaliya.
Halkan ka Daawo Shabakada Ramaas ee fadhigeedu yahay NORWEY ayaa waraysi ka qaaday taliyaha Laanta Socdaalka Somaliya
