Uncategorized

Kulan lagaga arrinsanayo Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargaysa oo Mas’uuliyiin kala duwani ka qayb galeen DAAWO

Hargeysa 26.April 2015 (SDN/QJ) Kulan lagaga hadlayay biyo balaadhinta caasimada Somaliland ee Hargasya oo lagu qabtay xarunta dawlada Hoose ee magaalada Hargaysa,kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargaysa iyo Masuuliyiinta Wakaalada Biyaha aya ka wada hadlay biyo balaadhinta Caasimada Hargaysa.

Masuuliyiinta Wakaalada biyaha Magaalada Hargaysa ayaa warbixin siiyay masuuliyiinta dawlada hoose ee magaalada Hargasya,waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii ay caasimada Hargaysi u heli lahayd biyo ku fulin.