Buuhoodle 26.April 2015 (SDN/QJ)-Shirkii nabadaynta degaanada gobolka buhoodle ayaa si rasmi ah loogu soo gabo gabeeyay Tuulada baliga Aadan Waal oo isla deegaankaas ah.
Abwaan Cabdi Food oo ka Mid ahaa ergooyinkii ka qayb galay Shirkaas ayaa Khadka Telefoonka ugu Sheegay Shabakada Qurbejoog.com in Natiijada ka soo baxday Shirkaasi ay daaran tahay sidii loo Xoojin lahaa Nabad ku wada noolaashaha labada beelood .
Abwaan Cabdi Food waxa uu Tilmaamay qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen waxaanu sheegay “Walaale waxaa lagu heshiiyay in 21 Cisho kadib la Isugu Soo noqdo Kulanka kan Xiga waxaa kale oo labada dhinac laga dhaariyay min 11 Qof Sidoo kale Waxaa la isla qaatay in laga wada shaqeeyo inta Mudadaas ka horaysa inaanay wax dhibaato ahi dhicin,Waxaa Beesha Habar Jeclo la siiyay Goobta Shirkan ka ku Xiga lagu qaban doono,Cidii Jebisa Go’aamadan in Talaabo laga qaado”.
Labada beelood ee Qorilugud iyo Buuhoodle ayaa waxaa ka dhex dhacay Dilal mudo kala duwan ka dhacay labada deegaan,kuwaas oo aan Xal rasmi ah loo helin.
Wufuuda Shirkan ka qayb galay ayaa kala ahaa Waftiga dhinaca Buuhoodle ee Beesha Dhulbahante waxaa hogaaminaya Garaad Cabdirisaaq Garaad Sooofe, Suldaan Siciid Cismaan iyo Garaad Saleebaan Buraale, halka inta badan Cuqaasha Buuhoodle ay goob joog ka yihiin.
Dhinaca Beesha Qorilugud ee Habar Jeclo Waxaa hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Habar jeclo Suldaan Cabdullahi Suldaan Cali Iyo Suldaan Maxamoud Guuled Mire, Suldaan Maxamoud Xaaji Xuseen Waxaana wehelinayay Waxgarad Cuqaal iyo Culimaa-udiin.
Dhinaca Kale halkan ka DAAWO Muuqaalka iyo Go’aamada ka soo baxay Shirkaas .
Buuhoodle SDN/QJ
