Hargeysa, 14 May, 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE gogol lagaga wadahadlo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta sannadka ka badan ee ay Golaha Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, taasoo ay Xisbiyada Mucaaradka ahi qaaddaceen markii ay Guurtidu ka tallaabsatay laba heshiis oo midba wakhti dhigayey, isla markaana ay muddada xil-haynta labadaas Gole kordhiyeen min sannad iyo toban bilood oo aan la isku ogeyn.
Waxa kale oo uu Saylici ku dooday inaan loo baahnayn inay Beesha caalamka ee Somaliland dhaqaalaha doorashooyinka ka taageeraa soo dhex-galaan hawsha muddo-kordhinta oo la sheegay inay meel adag iska taageen, culaysna ku saareen Madaxtooyada iyo Guurtida in go’aankaas sannadka iyo tobanka bilood ah lagu soo koobo heshiisyada dhigaya sannadka ee Guddiga doorashooyinka iyo Xisbiyadu isla gaadheen, haddii kalena lagu soo koobo go’aanka ay Xisbiyadu isla gaadheen oo dhigaya sannad, shan bilood iyo 15-cisho, balse la sheegay inay Guddoomiyaha Guurtida iyo Madaxweynaha Somaliland ku gacan-saydheen soo jeedintaas Beesha caalamka.
Hargaysa SDN/QJ
