Uncategorized

Al-shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay 13-Qof Oo Dalka Iran U Dhashay Iyo Sida Arrintaasi Ku Dhacday

Ceel-dheer:May,14,2015(SDN/QJ)-Xarakada Al-shabaab, ayaa  Maalintii shalay Gacanta ku dhigtay Dooni yar oo ay saarnaayeen ugu yaraan13-qof oo u dhashay waddanka Iran, kadib markii sida la sheegay inay Doonidu lasoo caaridday.

ererrDoonidan, ayaa waxay ku caaridday deegaanka Cige oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxana Doonnidaasi si fudud ugu gacan gashay kooxda Al-shabaab oo iyagu halkaas ka arrimiya.

Ragga reer Iran, ayaa waxaa la tilmaamay inay kalluumeysato ahaayeen, waxaana ka cilladooday doonidii ay la socdeen, waana midda keentay inay gacanta ku soo dhigaan dagaal-yahanada Al Shabaab.

Warark laga helaayo Gobolka Galgaduud, ayaa waxay sheegayaan in 13-ka nin ee reer Iran la geeyay deegaanka Galhareeri, halkaasoo la soo sheegaayo inay Shabaabku ku hayaan.

Ma cadda waxa ay Shabaabku ka yeeli doonaan raggaasi, balse Suxufiyiinta ayaa soo sheegaaya inay suurta gal tahay Maxkamad, ay ku soo taaggaan deegaanka Galhareeri.

Ururka Al Shabaab iyo Dowladda Iran, ayaan wax war ah ka soo saarin ragga maalintii shalay lagu qabtay Gobolka Galgaduud, waxaase suurta gal ah in saacadaha soo socdo ay ka kala hadlaan.

Waa markii ugu horeysay oo Ururka Al Shabaab uu gacanta ku dhigo rag u dhashay dalka Iran. Shabaabka oo si weyn uga soo horjeeda jiritaanka Maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta, ayaa waxaa dhici karta inay xukunka ku adkeeyan nimanka dalka Iran u dhashay, Maadaama Iran ay taageerto Xuuthiyiinta.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com