Uncategorized

maansada samiira w/c abwaan maxamed yaasiin maxamed ilkacase

waa maanso soo baxday 07.11.1990kii kana hadlaysa xukunkii jiray markaa samiirina waxay eray bixin u tahay dawladnimada waana inan aad u qiimo badan oon la talinaayey wakhtigaa iyo aragtidayda

 

samiiraay waxaan

kugu soorayaa

sarbeeb maanso liyo

murti soohan iyo

tix saadaal wadiyo

gabay samo hor kaca

hees kugu saliman

iyo weliba sowd

sooyaal runtii

taariikh saafi ihi

sal u tahay hidiyo

dhaqankii sabaan

ka sabaan hablaha

sowracow ahaa

wakhtigii sangaha

iyo boqolka siman

layska siin jiree

sumadow ahaa

sebenkay habluhu

qaalinimo siteen

waxaan kuu sidaa

oon ku siinayaa

talo suubanoo

aad sahayatoo

dhaxal baan sidaa

sitaac kuu noqdiyo

sadbursiinyo weedh

saami kuugu filan

wakhti soo socdiyo

xili aan qof sugin

saatirkuna ogyahay

adna kaa sirgacan

siduu kaad jeclayd

saygaa rumaad

kuu siiyayee

calaf kuu sidkee

sunahaaga guur

sababtow ahaa

saqda dhexe hurdada

kuugu salalayee

saacadii walbiyo

sebenkii kastaba

kuu sabaali jiray

marka aad sardhada

isa soo rogtaba

niyad saafiyiyo

gacan suubanuu

kugu seexin jiray

kol haduu safruu

socdaal dheer u baxay

sahan tegay garaad

dhex saqaafayee

u surmiyey dartaa

saxare iyo guban

safiyaan inaan

cidi kaa sarayn

sifahaa masuul

xilka saaranyoo

saaxiibnimo darteed

saacidaan ahee

sidradiyo anoon

seeraha xaqa ah

sina uga baxayn

cidna aan sirayn

yaan ku siinayaa

sumaduhu i faray

adiguna sahwiga

sakalaha wakhtiga

sebenkiyo arlada

inta subax beryaba

siidhigu u dhaco

haku sugin indhaha

niyadana ha siin

qalbigana ka saar

saxalkiyo xumaha

haka samir daraan

surma seegtaliyo

suuraaf ha noqon

sal fudaydku hodo

sug jawaabta maqan

suuradana indhuhu

siyar how bogtaan

ruuxow sadee

sitimaano dhawr

soomalhaad ha gelin

sed baan kula rabaa

samiiraay inaad

gabdha sebenka jira

ka saraysidoo

uunka kuwa siqee

sahashiga ku gala

suuqyada madow

ayaan suubaneey

saxarlaay dhabtii

kaaga seerayaa

siliciyo dhibkiyo

sedka murugaday

la saqaafayaan

ood ka samo baxdoo

siriq aadan gelin

waxaan saajaceey

samiiraay dartaa

kuu siraaday nuur

shamac aan sidoo

sohda ceelka iyo

inaad sabo qabow

ku sugnaatidoo

dalsan saajaceey

nabad kuu sidiyo

seermowaydo roob

marso uu suntiyo

sinta hogol ka raran

heegaan laga surmiyin

dhulka simay xareed

saar iyo ugbaad

deegaan samiyo

daaq iyo sedba leh

oon saboodhin iyo

sufur aan lahan

siigo iyo boodh

abaar soohata ah

baahi laga sargaxo

arad wada sanga ah

seef udub u degay

inaad saakineey

ku sugnaatidoo

sedbursiinyadaa

salkow dhigatid libin

waa kuu siraad

inta mudan salcaan

intuu safay wakhtigu

inta uu silsilad

iyo saymo adag

uu ka sudhay lugaa

inta uu saq dhexe

samadow la kacay

sanqadh li’i la miray

inta saaran ciil

ee la soogan howl

inta soomalhaad

samiiraay ku nool

ee solaygu dubay

inay saxal baxaan

siibaan hargaha

saamaha huqleey

huga sii gurxame

siiyaa ku noqoy

saymaha la bood

sambabada ku nool

sarajoog ragbaa

uga soomay jiif

soogan aawadaa

nimanbaa salaan

iyo soo dhawayn

saado iyo khayr

sacabada u tumay

salaan dheer u koray

samiiraay runtii

kuma seeganayn

dulqaadkiyo samaha

samirkaad wakhtiga

sagal kuu curtiyo

dirir galay sagaal

dayr smalahiyo

saqda dhexe gudgude

dhulka wada simiyo

saxan saxada mayay

seerma waydo roob

dhulka biyo simsima

saad iyo ugbaad

aad ku saadisoo

dhaaxaad sugtee

salma dhiga hashii

hadba joogtay seben

sidigtana lahayd

saakaba wataa

in sibraaro wayn

loo sameeyo iyo

sumad bay rabtaa

lagu sooco oo

sowjaray rabtaa

samiiraay u gala

gaadh iyo senteri

samiiraay milgaha

saatirkayna lihi

samay kuugu mudo

lama saydhiyee

ducaa lagu sidkaa

allow nagu sugoo

noo siyaadi baa

sowd lagu naqaa

samiiraay haniyo

sharaf suubanoo

sodohnimo dhigeed

aad sahayataa

suno weeye adag

ha u bogin surmiga

inta saro qurxoon

lagu xidhay sitaac

sawirada bah guba

shanta golaha sare

ay dul sudhan yihiin

ay ka soogantee

ka sanaadhayaan

erayada sirgacan

niyadana ha siin

qalbigana ka saar

fooq iyo sar dheer

fiilo iyo sawaxan

waxaad saakintaa

caws sideedle iyo

sadexliyo alool

kebed soohan iyo

saab iyo udbiyo

dhigaad suugisiyo

yeel iyo sin qabad

samiiraay hugana

saakiyo garays

shaahd iyo surwaal

goono aan sibraha

qarinayn sinaba

haysu saarin gelin

suuqna hawla bixin

waxaan kugu sidkaday

samiiraay dawari

sadex qayd dhacliyo

boqor suuban iyo

saaqaay maqfiyad

dhaqankii sinjiga

soomaaliyeed

ay siteen habluhu

ee ab soo jireen

 

 

alla mahad leh

abwaan  maxamed yaasiin maxamed ilkacase