Waxaan salaamayaa saxaafada madaxa banaan.
Waxaa muddo afar bilood ah ku xidhnaa jeelka Boosaaso ee Puntland muwaadin Somaliland ka soo jeeda oo magaciisa la yidhaa Abwaan Cabdiwaxid Cali Gamadiid. Muwaadinkaas waxaa laga qabtay Garowe isaga oo hawlo shaksi ah u tagay. Iyada oo dadka Somalida ahi is dhex maraan oo gaar ahaan dadyowga ka soo kala jeeda Somaliland iyo Puntland ee shicibka ahi ay si xoriyad ah isugu kala gudbaan, ayaa dhacdadani tahay xaajo ugub oo aan hore u dhicin.
Abwaan Cabdiwaxid cidna muu dilin oo gacan ku dhiigle maaha. Lama qaban isaga oo hub sita ee wuxuu ahaa muwaadin shicib ah. Dagaal laguma qaban oo waxa laga qabtay isaga oo magaalada Garowe dhex jooga. Sababta loo xidhayna waxa weeye isaga oo Abwanku fikirkiisa ku cabiray gabay uu tiriyay wakhti hore.
Waxay arintaasi ku tahay xad gudub loo gaystay muwaadin Somali ah oon wax dambi ah gelin. Waa godob laga galay ehelkiisa iyo guud ahaanba muwaadiniinta Somaliland. Waxaan ka codsanayaa maamulka Puntland in Abwaan Cabdiwaxid Cali Gamadiid xoriyadiisa loo soo celiyo. In la ixtiraamo Qawaaniinta Islaamka iyo darisnimada oo si dhakhso ah loo sii daayo muwaadinkan Somaaliga ah ee dulmiga ku xidhan.
Eng. Abdillahi Hassan Amay
London – UK
