Uncategorized

Hooyadii Dhashay Al-fannaan Cumar Dhuulle Oo Xalay Muqdisho Ku Geeriyootay

Muqdisho:May,15,2015(SDN/QJ)-Eebe ha u naxariistee waxa habeenkii xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Hadii Dhashay Fannaankii caanka ahaa Marxuum Cumar Dhuulle Cali.

dhuulHooyadan oo lagu magacaabi Jirey  Faadumo Cabdi Jaamac Roobe, ayaa in muddo ah ku xanuunsanaysay Halkaas ay Haatan ku geeriyootay.

Hooyo Faadumo ayaa sida la sheegay waxa ay jirtay da`da 95,iyadoo aan Meelna uga Bixin Caasimadda Muqdisho wixii ka dambeeyey Dagaalladii Sokeeye ee Dalka ka dhacay.

Hooyo Faadumo, ayaa dhashay Fannaan Cumar Dhuulle Cali oo kamid ah Fannaaniinta ugu Codka toolmoon Soomaalida oo hore ugu geeriyooday Waddanka Djibouti.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com