Hargeysa:May,16,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka Hadashay sababaha keena Dibu-dhaca Doorashooyinka ee Dalka kusoo noqnoqnaya iyo Sababaha keenay Dibu-dhaca Doorashooyinkii dalka ka qorshaysnaa Badhtamaha Sanadkan.
Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse) oo ka qaybgalay Dood ay Idaacadda VOA-du qabatay, ayaa sheegay in xukuumaddu ay si rasmi ah u diyaarisay wax kasta oo waajib ka dhigayey in doorashada la qabto, balse ay jiraan Qabyooyin masuuliyadooda la wadaagayey oo dalka ka jiraa,
“xukuumadda ma jirto masuuliyad kaliya oo doorashada ku saabsan oo agteeda ku baaqatay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay Muddo-kordhintani ahayn mid Madaxweyne Siilaanyo si gaar ah u jeclaaday, balse ay tahay mid duruufaysan, waxana uu intaas raaciyey in qaranku ka Awood badan yahay mid intaas ku hantaaqma, waxana uu yidhi,
“muddo-kordhintu ma aha wax silaanyo caashaqaye waa duruuf ina hortaalla oo timi, Muran yar oo maalmo ku simanna qarankani waxba u noqon maayo, dadkiisuna waa ka korran yahay”
Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Baaqa Madaxweyne-ku-xigeenku ku baaqay iyo waxyaabaha lagaga hadli doono, ayaa sidan u jawaabay,
“baaqa madaxweyne-ku-xigeenku soo jeediyey waa dhaqan somaliland leedahay, marka la isku yimaaddana waa la isweydiin doonaa waxa laga wada Hadlayo meelna waa la isla dhigi doonaa.”
Wasiirka oo sidoo kale la weydiiyey in Shirka mucaaridka loogu baaqay lagaga hadli doono Laalista Go’aankii guurtida, ayaa arrintaas si cadho leh uga jawaabay, waxana uu tilmaamay in Go’aankaasi ahaa mid sharci ah, waxana uu yidhi,
“Go’aanka Guurtidu waxa uu ku yimi sharci, Haddii dooddaas dood ka duwani jirto oo odhanaysa sharciga halla iska laabo, dee ma noqonayso , laakiin waxa laga wada hadlayaa waxa dantu ku jirto iyo sidii loo gaadhi lahaa inay dalka doorasho ka qabsoonto.”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
