Hargeysa:May,16,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa fal-celin cilmiyeysan ka bixiyey muddo-kordhinta Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada loo sameeyey, waxana uu hoosta ka xarriiqay in muddada Guurtidu ku dartay aanay ahayn wax macquul ah.
Guddoomimiye Faysal Cali Waraabe oo ka qayb qaadanayey Dood Arrinta Muddo-kordhinta lagaga Hadlayey, ayaa sheegay in muddo-kordhinta Guurtidu shaacisay tahay muddo xad-dhaaf ah, isla-markaana Loo baahan yahay muddadaas dhexdeeda in doorasho la qabto,
“aan sanad iyo toban bilood iska fadhiyo, haddana aan isku mudaharaadno oo farta isku fiiqfiiqno, macquul ma aha, waxana lagu heshiiyey in sadexdaasi heshiis ahaadaan oo umadda dul fadhiyaan, Umaddana hor fadhiyi maayaan Bisha 20-keedana haddii aan danta qaranka la horraysiin oo saddexda qoloba lala xisaabtamin, dalku fawdo ayuu gelayaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha oo Doodda uu kula jirey Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa wasiirka ku canaantay in Sharciga ay si wada jir ah u jabiyeen Xukuumadda iyo Guddoomiye Cirro, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,
“Guddoomiyaha Wakiillada idinkaa(xukuumadda) la saaxiib ahaa oo sharciga u jebiyey oo ogolaaday inuu Mucaaradna noqdo Guddoomiye Wakiillana ahaado.”
Faysali Cali Waraabe waxa uu sheegay in Marka la iskugu yimaaddo shirka Xukuumaddu Mucaaridka ugu baaqday haddii sharci la ixtiraami waayo in Go’aanka Guurtidu yahay wax aan sharci ahayn, isagoo arrintaasna ku sababeeyey in horeba wakhtigoodii u dhacay, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,
“waxan filayaa mar haddii aanu isu nimaadno waxa caado noo ah inaanu wixii danta umaddu tahay aanu horraysiino, waxana aan ranaynayaa Dawladda, Guurtida iyo Wakiilladu way qaldan yihiine, in ilaahay iimaanka kusoo celin doono oo ay danta iyo umadda ka nixi doonaan. Haddii ay taas samayn waayaana Annagana waddooyin kale ayaa noo diyaar ah, waxana la yidhi wax badso wax waa bay keentaaye waxan umalaynayaa inay sanadkaas komishankana waayi doonaan. Haddii ay gar qaadan waayaan oo sharciga iyo kala dambaynta waddanka qaadan waayaan waxanu aaminsanahay Guurtidu waa dad wakhtigii ka dhacay 24-sano ayey joogeen waxooduna sharci ma aha, Dawladdaas Madaxweyne Siilaanyo ayaa 26-Ka June ay kaga dhamaanaysaa, markay dhammaatana waxa laga tashan doonaa Dawladdii dalka doorasho gaadhsiin lahayd.”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
