Uncategorized

Laba Kamid ah Ciidanka Booliska Oo Ku Dhintay Iska Horimaad Dhul la Xidhiidha Oo Ka Dhacay Galbeedka Hargeysa

Hargeysa:May,16,2016(SDN/QJ)-Laba kamid ah Ciidamada Booliska, ayaa dhintay mid kalena waxa soo gaadhay Dhaawac kadib markii ay is rasaasayni dhexmartay Ciidankaas iyo Dablay Hubaysan oo sheeganaysa Dhul lagu muransan yahay.

ssprWeerarka ayaa shalay ka dhacay Meel dhinaca Galbeed kaga beegan Caasimada Hargeysa, agagaarka Kaantaroolka laga soo galo oo ah Dhul-beereed, kaas oo laba qolo ku muransan tahay.

Dableyda weerarka geysatay ayaa sida la  xaqiijiyey ka soo jeeda mid kamida Laba dhinac oo Khilaaf dhul u dhexeeyey muddo dheer oo ka biyo diiday qaraar Maxkamadda sare dhawaan ka soo saartay Dacwad muddo dheer Maxkamaddaha ku jirtay. Sida ay sheegeen dadka deegaanku, Dhalinyaro cadheysan oo deegaanka ah, isla markaana hubaysan, ayaa dagaal kala hor yimi Kolanyo Ciidan oo saaka Dawladdu ku saartay  Dhulka laysku haysto.

waxaana warku intaas ku daray in israsaaseyn xoogani dhex martay Ciidanka Booliska iyo Dableyda deegaanka, taasoo sida la wariyey Laba Askari ku dhinteen mid kalena ku dhaawacmay.

Labada Askari ee dhintay, ayaa la sheegaya inay kasoo kala jeedaan Gableedka iyo Bariga Burco, kuwaas oo isla goobtaas ku geeriyooday.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Dawladda oo la xidhiidha dhacdadan foosha xun ee Maalintii labaad Ciidanka Booliska lagu beegsaday, hase ahaatee wararkii u dambeeyay ee xiisadan ku saabsan, ayaa sheegaya inay xukuumaddu xidh-xidhay Cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda Deegaanka, kuwaasoo loo xidhay dhacdadan.

Warku wuxuu intaas raaciyey inay goobta ka baxsadeen dableydii waxyeellada geysatay, kuwaasoo bilowgii Iska caabin xoogan kala hor yimi Ciidanka, kaddibna markay waxoogaa la dagaalameen baxsaday.

Waxa intaas lagu daray in Digniinta dadka deegaanka ee arrintaas la xidhiidhaa ilaa Qasriga Madaxtooyada  gaadhay, balse waxba laga qaban waayay, iyadoo sida xogta aanu ku helnay dhinaca Dhulka laga xukumay ay ku dooddeen in Mag-dhow laga siiyo Maalkii ka galay intii ay Dacwadu socotay, halka taas bedelkeeda loogu hanjabay inay dawladdu fulin ku samaynayso Qaraarka Maxkamadda, taasoo ismaan-dhaaf iyo xiisad hor leh sida la sheegay abuurtay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com