Uncategorized

FAALLO: Taageereyaasha Garabyada Kulmiye oo Plan B ka dhigtay UCID, Musharax Jamaal Cali Xuseen oo la baafinayo iyo Damaca halista ah ee Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargeysa May 16,2015(SDN/QJ)-Taageereyaasha Garabyada siyaasiyiinta hunguriyeynaya musharaxnimada xilka madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye ayaa bilihii u danbeeyay wadey qorshe ay ku kala kasbanayaan Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe.

Garbyada ku bahoobay xisbul xaakimka Somaliland ee Kulmiye ayaa la sheegayaa in hadii midkood waayo Musharaxnimada ama ay helaanba ay damacsan yihiin in dib loo eego cida musharaxa u noqoneysa UCID.

Aan ku horeyno musharaxa haatan ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Jamala Cali xuseen Ayaan dalka ku sugneyn xili xasaasi ah oo saameyn toosa ku yeelan kareysa mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Waxa ay taageereyaasha xisbigaasi isla dhexmarayaan in musharaxoodu aanu ku adkeyn xilka loo doortay ee musharaxnimo ayna dhab noqon kareyso in musharaxnimadiisu tahay mid ku xiran sida ay u kala baxaan reer Kulmiye.

Mushrax Jamaal ayaa xantu tahay in hadii Kulmiye madaxweyne Axmed Siilaanyo musharax ka noqdona uu isa sharaxayo, hadii siyaasi ay isku ardaa yihiin uu soo baxana uu musharaxnimada weydaarsan doono meeqaam siyaasadeed

Raga ugu cad cad in ay hataan xilka musharaxnimada madaxweyne ee Kulmiye waxa ka mid ah Guddoomiyaha xisbigaasi Md Muuse Biixi Cabdi.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay qaar ka mida madaxda UCID ayaa inoo xaqiijiyay in dhawaan kulan ay Jabuuti ku yeesheen Md Jamaal Cali Xuseen iyo Md Muuse Biixi Cabdi lagu gorfeeyay sidii aaney labada musharax  mar u wada tartamin si cududa Ardaagoodu u dhantaalmin.

Md Jamaal ayaa arinkaa soo dhaweeyay tanaasulna ogolaaday balse waxa uu xusuusiyay ergadii reer Jabuuti ee arinka isku soo duba riday iyo Guddoomiye Muuseba in cida qura ee beesha ah ee musharaxnimadiisu sugan tahay uu isagu yahay.

Waxaana halkaa la iskula qaatay in kulan danbe la isugu yimaado kolka ay cadaato cida musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ku guuleysata.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe oo debecsanaanta Md Jamaal ka warhelay isla markaana in mudo ah wadahadal kula jiray Garabka Kulmiye ee ka soo jeeda Burco ayaa haatan u soo ban baxay ku dhiirashada damac musharaxnimo oo hor leh.

Guddoomiyaha UCID oo u nugul cid alaale iyo cidii tiraahda aduunbaa Somaliland hogaamin kara Ayaan marnaba si miyir ah u qiimeyn soo jeedimaha Garabka Kulmiye ee Burco.

Xeeldheereyaal arinkan falanqeeyay ayaa u arka in Garabka Kulmiye ee reer Burco ay ka shaqeynayaan sidii labada xisbi ee mucaaridka ahi u yeelan lahaayeen laba musharax Madaxweyne oo isku ardaa ka soo jeeda.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe Ayaa intii uu ka soo noqday safarkiisii dibeda ee u danbeeyay aan qarsanba damaciisa musharaxnimo, balse aan weli hantiyin taageero mug leh oo ku shaaciyo damacaasi.

Si kasta oo ay tahay, xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo markii u horeysay dadka badankiisu u arkayeen in uu heysto fursad muuqata oo uu kula tartamo labada xisbi ee kale ayaa waxa dhici kartaa in si fudud fursadaa looga hosaasiyo.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com