Uncategorized

Xafladii Dabaal dega 18 may 2015 ee Magaalada BRISTOL UK ,+ daawo sawiradii

Waxaa cawa lagu Qabtay Magaalada Bristol UK HOTEL FUTURE INN munaasibad Balaadhan oo loogu Dabaal degaayo 18 may 2015 sanad guuradii 24 ee lasoo noqoshada madax banaanida Somaliland, xafladan oo Ahayd mid aad iyo aad ay uga soo shaqeeyeen jaaliyada Somaliland ee Magaalada Bristol oo ay hormuud U ahaayeen Dhalinyarada magaalada Bristol oo ay kamid ahaayeen MAXAMED BBC, CUMAR DOOLI, ayaa ahayd mid si wanaagsan u dhacday iyada halkaasi laga soo jeediyey qudbado iyo hadalo kala duwan oo kahadlaaya qaranimada somaliland iyo gooni isu taaga somaliland oo ay kasoo jeediyeen Odayaasha , Aqoonyahanada, iyo Haldoorka jaaliyada magaalada Bristol waxa kaloo isaguna kala soo qaybgalay munaasibadan dabaal dega ee 18 may Safiirka Wareega ee Somaliland mudane Kaysar Cabdilaahi Maxamed, isagoo ku dhiiri galiyey Jaaliyada Somaliland ee Bristol in ay meel ugasoo wada jeestaan horumarka iyo qaranimada somaliland,

Run ah ahaantii munaasibad oo ahayd mid ay dhamaan jaaliyada somaliland ee Bristol ay si wanaagsan uga soo shaqeeyaan, ayaa waxay ku dhamatay farxad iyo damaashaad balaadhan iyo niyad wanaagsan oo ay farxadi kabuuxdo,