Casho sharaf ay soo agaasimeen qaybo ka mid ah haldoorka qurbe-jooga ee Haweenka UK ayaa si hufan loogu soo dhaweeyey Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga Ucid aqoon yahan Jamaal Ali Xusien. Waxaa casho sharaftaa ka soo qayb galay marti sharaf badan oo ka kala yimi Gobolada UK gaar ahaan Birmigham, Bristol iyo London.Waxaa iyaguna nasiib u helay in ay ka soo qayb galaan casho sharftaa aqoon yahano ka kala yimi USA iyo Italy oo fasax gaar ah ku joogay Caasimada London.
Kadib markii uu musharax Jamaal Ali Xuseen goobtaa ka jeediyey khudbad kooban oo dhinacyo badan taabaneysa , waxaa dhamaan
Shacabweynihii goobta casho sharafta isugu yimi ay ku wada dhawaaqeen in ay is garab taagayaan xisbiga ucid iyo musharxnimadiisaba.
Waxaa iyaguna goobtaa hadalo guubaabin ah ka soo jeediyey,madax-dhaqameed, aqoon yahan iyo haween badan oo goobta isugu yimi.
Waxaa casho sharaftii ku dhamaatay farxad iyo sawiro la isku boobey..
Waxsan iyo Ogaal !
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scs)
Tebiyey: A/rahman fidhinle UK









