Heesta Xulka Maanta oo Dal & Dibed Shacabka Somaliland, Saaka ay Ku Jiraan Dabaal Degga Sannad Guuradii 24 aad ee Magaalada Burco lagaga Dhawaaqay Somaliland, ayaan Qormadayda Maanta aan kaga Qayb Galayaa Heestii, Taariikhiga ahayd ee Hoobaladii, Mujaahidiintiin Halgankii SNM, Heesstiin,, Car Wir Ku Dhac!!!.
Falanqaynta Dabbaal Deggii Maanta ee 18kii May:
1 ) Shacabka Somaliland Wuxu Ku Muujiyey Jiritaanka iyo Shucuurta Qarannimo, Dalnimo, Nabadgelyo, Dawladnimo & Shacabnimo.
2 ) Waxay Shacabka Somaliland Muujisteen Maanta Wadajir, Wada Tashi iyo Isku Tashi ay Dalkooda ku Dhisanayaa, Isirkooda Somalilandnimo iyo Ciidoodana ay Ku Ilaashanayaan.
3 ) Dabbaal Deggi Maanta ee 18ka May, Waxa uu ahaa Fariin Qaran oo Guri iyo Hoy Kasta oo Somaliland u Diraayey Dalalka Deriska ah, Dalalka Caalamka & Hayadaha Duwaliga ah ee Dunida, Kuna Muujisay Xuquuqdeeda iyo Jiritaankeeda Dawladnimo iyo ku Wada Noolaansha Nabadgelyo.
4 ) Dhoolla Tuskii Maanta Waxa uu Astaan u ahaa, Xoogga labada Jiil, Jiilkii 1988 kii Halganka ku Galay 20 Jirka iyo Jiilkii ku Kacaamay Nabadeyntii iyo la Soo Noqoshadii Somaliland oo Maantana ah Raasamaalka, Xoogga iyo Quwadda Qaranka Somaliland.
Tanna Waa Dareen iyo Digniin aan Diraayo:
24 ka Sanno ee Somalilan Jirtay ee 4ta Madaxweyne, Dalka u Kala Danbeeyeen, Ka Muwaadin ahaan, Dareenka Naftaydu wax Badan wuxu i Tusi Jiray, Madaxweynayaasha Dalka soo Maray iyo Maamuladooda!!! Dareenkayga Lexejeclo ee Wadaninimo ayaa Tuhun igo Abuuri Jirtay, Kolkan Wax badan Jawaab u Waayey, Itijaah la’aanta iyo Aamuska dheer ee Shacabka ku Habsatay ee Xukuumadu ay Shacabkooda Badeen. Dareenkaa Waxynu ku Dabiibi jirnay, Rabitaanka Wadaniga Xalaash ah ee Dalkan u Dhashay ee Ilaashanaayey.
Digniin:
Dhoolla Tuskii Cidanka & Shucuurtii Shacabka ee Maanta Wuxu Astaan uu ahaa Masiirka iyo Qadyadda Somaliland, Waxay ka Turjumaysay Dhaartii Shacabkani ku Maray in ay Dalkooda ku Dhawrtaan. Madaxweynaha Dalka ee Maanta, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) iyo Ku Kasta oo Danbeeyaba, Annaga oo Shacab ah ayaa Dooranay oo Xilkan Maamulkiisana u Dhiibtay, Mustaqbalka Dalka Shacabkaa leh.
Qiimeynta & Taqyiimta Madaxweynayaashii Dalka Soo Maray:
Afar Madaxweyne iyo Ku Xigeenadoodii, Dalka u kala Danbeeyey oo Ammaan iyo Karam inaga Mudnaa, Waxan Shakhsiyan ku Qiimeeyaa, Siyaasiyiin Heer Madxweynayaal, Isaahilayna Khibrad iyo Waayo Aragnimo Siyaasadeed oo Intii Xilalka ay Hayeen ay ku Mutaysteen Darajada Qarannimo, Illaahay ha ka Abaal Mariyo Aammiin.
Saadaasha Siyaasadeed iyo Ragga u Cumaamadan Maanta:
Waxan ka Afeef Ka Dhiganayaa Qoraalkagan, Ma iihi Siyaasi loolan ku Jira, Waxan ahay Muwaadin, Doonaaya in Xusho, Murashaxa ku Haboon Madaxtooyada (The Suitable Candidate of Presidency ). Waxa ka Reeban Fikirkyga, Qof Diid iyo Cid Diid.
Waxayn isla Qiraynaa in Mar labaad aynu Qalad u Guurney Nidaamka Xisbiyada Qaranka oo Hab & God Qabiil inagaga Dhacay!!! Waxa Mar Kale Madmadaw iyo Rar Qalan ku Sii Dhacaaya Marashaxa ka Haboon Madaxtooyada Somaliland!!!
Su’aal:
Somaliland Siyaasigeeda Murashaxa Madaxweye ee Maanta Ma Ka Faa’ideysta Khibradii Afarta Madaxweyne ee 24 ka Sanno??? Rayiga Shakhsi Waa Maya!!!
Saddexda Musharax ee Saddexda Xasbi Qaran ee ila hadda isa soo Muujiyey Ma u Bisil yihiin Derajadii Hoggaaminta Qarnka!!! Rayigaygu Waa Maya!!! Waa Muwaadiniin Sharaf iyo Qadarin iga Mudan. Waa Aqoonyahankii Qaranka oo Weli Haya Tubtii ay Hoggaamiyaal ku Noqon lahaayeen!!Weli Wakhti & Cidbaa Idinka leh.
Waxan Hoosta ka xariiqayaa oo Wax badan ka Maqlay Murashaxeenta oo Ka Hadlaya Muddo Kordhin iyo Reer Hebel oo ka Baxay Xisbi Hebel, Hisbi Hebelna isku Shubay!!
Weli Ma Maqlin Murashax Hebel ayaa Shir Jaraa’id Halkaa ku Qabtay oo soo Bandhigay Qorshihiis Siyaasadeed ee loolanka ku Gelaayo.
Kelmadd u Gaar ah Sacaadatul Ra’iis Mud. Ahmed Maxamed:
Mud. Madaxweyne Waxa Kudbaddaadii Maanta Ku Jirtay in aanad Jeclaysan Muddo Kordhintii , lugna aand ku lahayn Go’aankaas Commissionka iyo Guurtidu. Mudane Madaxweyne Waxa Shac20 ka Bishan ay kula Arki haddii aad laashid Go’aankii Guurtida. Haddii Kale aad Masuuliyadeeda aad Yeelan Doontid
Shacabka Somaliland aan Kula Dardaarmaya, Hoggaamiyihii Munaasibka ahaa, ku Haboonaa, Xilligan Dalka Hoggamin lahaa uu Joogo, Shacabkana Dhex Fadhiyo Isaga oo Shaadh Qabiil aan Sidan!!!Sidaynu Murashaxa Haboon u Xulanaa???
Masiirka iyo Jiritaanka Somaliland Maanta uma Baahna Baahna, Madaxweyne Hab Qabiil lagu Doorto!!!oo Hore inoo la Hadhay.
Gabgabada Qoraalka Waxan ku Soo Gunaanadayaa, Heestii Halganka ee May 1988 kii ,, Car Wir Ku Dhac,,!!!
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Brussels Belgium
