Maalgashigu waa furaha shaqo abuurka ummaddeed taas oo marka wadan maalgashigiisu bataba ay kordhaan shaqo abuurkiisu, Hadaba Shirkadaha waaweyn ee Caalamiga ah, ayaan iyagu marnaba ku iman oo wax ku maalgashan gacan haadin,af-dhuunyaaleyn iyo dus dus iyo dilaalnimo qof qof ah ee Waxaa shirkadaha caalamiga ahi ku yimaadaan shuruudo xigmadeysan oo maalgashi caalami ah oo ay ka mid yihiin kuwan hoose:
1- Shuruuc iyo Xeerar dhamaystiran oo Maal-gashi ( Halka Wax ka bedelista iyo kaabista xeerka maalgashiga ee JSL uu mudo dheer yaalay Golaha Wakiilada oo uu dhasku ku dhacay )
2- Shirkado Caymis ( insurance companies ) ku waas damaanad qaad iyo mag-dhowba bixiya hadii khasaare ku dhaco shirkadahaas.
3- Maxkamado tayo leh oo madax banaan oo caalamka ka registgareysan kuwaas oo dhex u noqda hadii muran iyo ismariwaa uu soo dhex galo dawlada iyo shirkadaha maalgashiga, sida aynu ka dheregsanahay maanta JSL sharciga, cadaalada iyo Garsoorkuba waa iib sida waxbarashada iyo caafimaadka.
4- Waa in Shirkadaha Maal-gashadayaasha ahi ay dalabkooda soo hor dhigaan Baarlamaanka si ay u naaqishaan oo shahaadad maalgashi u siiyaan, halka
Hada Somaliland ay shiraduhu ku kooban yihiin shaqsiyaad kooban oo wasiiro iyo dilaaliin ah sida shirkadihii badnaa ee Shidaalka Sahaminaayey.
5- Waa in Wadanku ka xor yahay Musuq-maasuqa cunsiriyadeysan ee maanta ragaadiyey ilihii dhaqaalaha ee Somaliland oo dhan.
6- Waa in wadanku yeeshaa Baanan Ganacsi oo Caalami ah ( halka ay Somaliland Baanankeedu ay hada yihiin fadhiid xawaaladihii dhaafeen )
7- Waa in la eegaa shirkadihii hore wadanka umaalgashaday iyo sidii loola dhaqmay ( waxaana la ogaa Shirkadii Total ee maamuleysay Haamaha shidaalka ee berbera sidii ay ula dhaqantay Xukuumada Siilaanyo ee is-huwan.Hadaba Su’aashu waxay tahay Somaliland maanta Ma buuxin kartaa Shuruudahan sare ee Maalgashiga ah ?? Jawaabtu waa maya , Hadaba Maalgashigan carabka shacabka loogu soo cel-celinaayo ee lagu canqarinaayo waa ” Werdi Xeeladi Dabo Taalo “ iyo in Dekeda Berbera loo sadqeeyo shirkado Dane gaar ah leh, ka dibna Dilaalis iyo Aduun buuran laga qaato oo lagu faro laabo..
Waxaa Shacabka reer Somaliland xuustooda ku duugan oo ay ka dheregsan yihiin Heshiisyadii tirada beelay ee mugdiga iyo mad-madowagu ku meersanaa ee xukuumadu qolka madow kula gashay Shirkadaha badan ee Shidaalka Sahamiya ku waas oo aan weli la horkeenin Golaha Baarlamaanka si ay shaqadooda dastuuriga ah uga gutaan oo u ansixiyaan. Hadaba waxaa qalad ah oo qadaf ku ah sunaha dawladnimo sifaha is bar-bar yaaca ah ee Dilaalista ah ee loogu weeraray ee loo weeteeyey shirkadahan tirada badan ee quud daraynaaya in ay Maalgashadaan Dekeda Berbera , kuwaas oo ay ka midka yihiin;
1– Bollore oo Fransis ah
2- DP World ( UAE )
3-Prime Africa ( Saudi Arabia )
4- Kuwait Logistics ( Kuwait )
In Kasta ay leeyihiin Xukuumadu waxaanu kireysanay oo dalabkayaga u dhiibanay sadex khabiir hadana Shirkadahan waxaa u dus dusay oo udabo marteeyey Gudidii loo xil saaray iyo khabiiradiiba shaqsiyaad darban oo dilaaliin ah kuwaas oo ku xidhan xayndaabka madaxtooyada,.Xukuumada Siilaanyo ee la curatay hanti-boobka, qaybsanaanta iyo qaraabo kiilka waxaa ragaadiyey Degel-meer iyo Af-lameer dhegaysta sanqada Zaadkiisa, Waxaa maax-dumiyey duflaaliin iyo guraan gur maroorsaday taladii qaranka, waxaana horumarkii qaranka adhaxda ka jebiyey musuq-maasuq casri ah taas oo meesha ka saartay xalibnaantii, xilgudashadii iyo isxisaabintii dawladnimo. ” Boowe ma maqli jirteen waa duul wanaagii u yeelay Wegdo, Dalbo, tuur iyo tarbiicooyin is wada dabraaya” Bal adba!
Guntii iyo Geba-Gebadii Qormadan: Xukuumada Siilaanyo oo mudo xileedkeedii dastuuriga ahaa ay hada uga hadhay 40 maalmood ma wareejin karto Dekeda Berbera ee qaranka Somaliland waqtigan xaadirka ah? Waxaa kale oo shacabka reer Somaliland lala socodsiinayaa in aanay dhameystirneyn Somaliland sharciyadii iibinta iyo wareejinta hantida maguuranka ah ee qaranku. Sidaa daraadeed Qarankani ma laha sharcigii u gaarka ahaa hawshaas sida ( Privatisation Low and Public Private Partnership Low ) Waxaan Xukuumada u soo jeedinayaa in ay ilaaliso maslaxada guud ee qaranka JSL oo ay ka waantoowdo in ay ilaha dhaqaalaha ee wadanka dhaxal-wareejiso una sadqeyso in 4 shaqsi masiirkii 4 Million ee Somaliland ay siday doonaan ka yeelaan.
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Hyadhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee ee
Allow sahal amuuraha Aakhiro Samaan Ooman Baa yimi’ye!!!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi- Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.
