London:May,19,2015(SDN/QJ)-Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Ucid, kadib markii la jaray Khudbadiisii markii uu Hadalkiisa la gaadhay.
Aqoon yahanku waxa uu arrintaas ku macneeyay ujeedo Mucaaradka loo leeyahay. Waxa uu Maamulka TV-ga iyo Xukumadda Kulmiye ku eedeeyay inay hantidii la wada lahaa si gaar ah u isticmaalayaan.
“Waxaa aad iiga yaabiyey in maalintii Qaranimadda Somaliland in TVga Qaranka laga jaray markii qudbadayddu soo gashay ee si toos ah ama LIVE looga daawan lahaa. Goobtu waxay ahayd London runtiina habeen farxad leh bay ahayd, masuulka qaran Ee ugu sareeyana waan ahaa oo weliba afka madaxda dalka ku hadlaayey,dadka hanbalyo iyo taariikhda Somaliland uun baan la wadaagayey. Laakiin halka ay ka gaadhay Ninka TVga Qaranka Ugu sareeya London Wuxuu si badheedh ah u fuliyey amarka xukuumaddiisa ee ahaa in sidaasi ay sameeyaan.
Runtii waa nasiib daro in masuuliyiintii Kulmiye ay halkaasi la marayso in TVgii qaranka Ee la wada lahaa in si gaar ah loo isticmaallo oo madaxdii xisbiyadda Qaran maalintii Ugu mudneyd Ee 18th May sidan oo kale laga yeello.
Sidoo kale Masuuliyiinta xisbigga UCID ee Gobolka Saaxil ayaan maqlaayey in xuskii 18th May loo diiday in Xisbi qaran ahaan loo diiday in ay shacabkii Somaliland hanbalyeeyaan, laakiin xuska 18th May darteed ayaanu ku dhaafnay oo dib baynu iskaga Iman doonaa arrimahaasi inshallah.” Ayuu ku yidhi Jamaal Cali Xuseen Qoraal uu arrintan kaga hadlayay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
