Uncategorized

Maraykanka Oo Ciidamadiisa Booliska Ka Mamnuucay Hubka Culus Iyo Sababaha La Daliishaday

Washington:May,17,2015(SDN/QJ)-Dawladda Maraykanka, ayaa si rasmi ah Ciidamadeeda Booliska uga Mamnuucday isticmaalka Hubka culus ee Militeriga loogu talo galay oo ay markii hore isticmaali jireen.

deeweMadaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa si cad u sheegay in maanta kadib ciidamada Booliiska Mareykanka aan loo ogolaan doonin isticmaalka hubka culus ee kol hore ay isticmaali jireen.

Sababta ciidamada looga mamnuucay hubka culus ayaa waxa ay tahay inay soo baxeen eedeymo kala duwan oo Booliiska loo jeediyay taasi oo ku saabsan in dad dibadbaxayaal ah ay u adeegsadeen hubka culus.

Hubka laga mamnuucay Booliiska ayaa ah gawaadhida qufulan ee Milateriga ay isticmaalaan, Qoryaha Bambooyinku ay ka dhacaan iyo tuutaha la isku qariyo ee ciidamadu ay gashadaan.

Waxaa la ogaaday in Booliiska Mareykanka ay hub culus u isticmaaleen dad ku banaanbaxaayaay magaalada Ferguson ee gobolka Missouri, xaggaagii lasoo dhaafay.

Tallaabadan ayaa xubno ka tirsan Mareykanka ay ku sheegeen mid wanaagsan oo loo baahnaa in kol hore Dowladda ay go’aansato. Ciidamada Booliiska Mareykanka ayaa hada kadib isticmaali doona hubk fudud, si aanay u geysan dhibaatooyin culus.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com