Baydhabo:May,19,2015(SDN/QJ)-Saaka ayey maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somalia dil ku fulisay nin la sheegay inuu xarakada Al-shabaab katirsanaa, kaas oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa Weerar bilowgii sanadkan lagu qaaday Madaxtooyada Maamulka Baydhabo.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Siraaji C/llaahi Cumar ayaa Xeer Ilaalinta Maxkamada ay sheegtay inuu watay gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo la dhigay meel ku dhow Madaxtooyada Baydhabo.
Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen ninkan, kadib markii uu dhacay weerarkii Madaxtooyada, waxaana ay Maxkamadda ay dil ku xukuntay 15-bishii hore ee April.
Ciidamo isugu jiray Milateriga, Booliska iyo Nabadsugida ayaa saaka ninkan ku toogtay fagaare ku yaal duleedka magaalada Baydhabo.
Dhinaca kale Maxkamada ciidamada qalabka sida xafiiskeeda magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu wadaa inay qaaddo dacwado kala duwan oo ah eedeysanayaal ku jira xabsiga Baydhabo.
Waa xukunkii u horeeyay ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay ka fuliso magaalada Baydhabo, iyadoo hore Maxkamaddu xukuno ka fulisay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyn.
SDN/QJ
