Uncategorized

TOBBONKII BEENOOD EE KU JIRAYA KHUDBADII MADAXWEYNE SIILAANYO EE 18 MAY 2015

Haddii aan yar falanqeeyo khudbadii shalay ee Madaxweyne Siilaanyo,  munaasibadii qaranka ee 18 May, hadalka madaxweynaha ayaa marka si dheer u eegaya waxaa uu ahaa mida u badan is amaan iyo is bogdin badan. Iyadoo baylahada dawladiisa ay tiro iyo togogba buux dhaafeen, oo halkii aad eegtaba ay tahay boog weyn oo ku taaal madaxweyanaha. Inkastoo aynaan ka gayoonan haddii aynu u qalin qaadano baylahada dawlada kulmiye,  aynu si kooban u eegno waxyaabihii uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay khudbadiisa shalay iyo sida ay runta ugu fogtahay, waxayna jecelahay in aan soo qaato 10 qodoboda, kuwaas oo maankayga ka dagi waayay oo u baahan in aan ila aragtaan, hadaba aynu mid mid u eegno qodobadan:

1.     Dastuurka: waxaa madaxweynuhu sheegay in yahay qof koowaad ee Dastuurka iyo Shuruucada dalka ilaaliya balse waxa uu maalin walba jibiyaa Dastuurka Iyo Xeerarka Qaranka., waxa ka badan 10 xeer oo dastuur ah ayuu dawladiisu jabisay mudo bil ah, oo ah Xuquuqada Muwaadinka, iyo xeer kale oo badan.

2.     Doorashooyinka: waxaa madaxweynuhu umada ugu sheegay in ay ka shaqeeyan waxkasta oo suuragalinaya doorashada oo ayaan ka masuul ahayn dib u dhaca doorashada balse waxa ognahay sida dawladiisu ugu shaqaysta dib u dhaca doorashada. Sida u jalaafaysa doorashooyinka.

3.      Mudo Kordhinta: madaxweynuhu waxaa uu umada ugu sheegay in aanu muddo kordhinta codsan balse waxaa la ogaa sida ay uu ugu ololayna mudo kordhina iyo laaluush ay bixinayay.

4.     Midnimada Umada: madaxweynuhu waxaa uu sheegay in uu ka shaqeeyo midnimada umada balse waxaa cad sida ay dadkeenu u furfurmeen, ee hoos ugu dhacday midnimada umada. Kor ugu kacday qabyaalada iyo kooxaysigu.

5.     Amaanka: madaxweynuhu waxaa uu sheegay in kor u qaadaan amaanka balse waxaa la dadku ka wada markhaati yahay sida u bateen dilalka, amaan darada gobolada dalka ka jira sida jabhada Khaatumo, iyo jabhada

6.     Kursi Jacayl: waxaa madaxweynuhu sheega in aan kursi jecel wax walba u samayn balse waxaa cad in kursi jaceyl awgii uu Dastuurkii iyo Xeerarka qaran ku jabiyay,oo ka mid tahay mudo kordhinta xaaranta ah loogu saameyay.

7.     Idaacada Hargeisa: waxaa madaxweynuhu sheegay in Idaacada Hargeisa uu gaadhsiiyay dhamaan gobolada dalka balse waa waxaa umada ka markhaati tahay in mawjadaha gaagaaban ee idaacada xataa hargeisa laga dhagaysan muddo dheera.

8.     Biyaha: waxaa uu madaxweynuhu sheegaya in biyaha ay siiyeen muhiimada koowaada oo wax badan ka qabateen balse waxa biyo la’aan ah magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Laascaanooda, iyo dhamaan deegaan ugu badan ay ka jirto biyo la’aaan xoog leh, halka ay wad aragno abaaraha jira hada  iyo sida ayna dawlada wax uga qaban,

9.     Golaasha Dawlada: waxaa uu madaxweynuhu sheegay in aan kor u qaaden wada-shaqaynta Golaasha Qaranka balse waxaa loo wada joogay khilaafka ugu darnaa ee dhexmaray Golashaa Qaranka iyo faragalinta qaawan ee Waaxada Fulintu ku samaysay Waaxda Xeerdajinta, Iyo Waaxda Garsoorka.

10. Beesha Caalamka: waxaa madaweynuhu sheegaya in aan farogalin golayna  Soomaaliland arimaheed ku filantahay, madaxweyne siilaanyo ayaa ahaa qofkuu u yeedhay beesha caalamka markaa uu ahaa mucaaridka, isagaa kow ka ahaa jabinta caadadaa reer soomaaliand lahayeen.

 

Qalinkii: Aqoonyahan Khaalid Ducaale

twitter: @Khdualeh

Tel: +25263-4111694

Email: khdualeh@gmail.com

Blog: www.khdualeh.blogspot.com

Hargeisa, Soomaaliland