Madina:May,20,2015(SDN/QJ)-Imaamka Masjidka Madina Imaam Xudayfi, ayaa la sheegayaa inuu ka badbaaday dil la isku dayey xilli uu sallaadii subax dadka tujinayey.
Imaamka ayaa dilka ka badbaaday xili uu ku jiray dujinta saalada subax, waxaana la sheegayaa inuu kusoo dhawaaday ruux looga shakiyay inuu rabay dilkiisa,taas oo keentay in ciidamada amaanka ay deg deg kusoo galaan masjidka oo ay ninkaasi xidhaan.
Muuqaal laga soo duubay qaabka ay dhacdadu u dhacday ayaa muujineyso in ruuxaasi uu khalkhalka galiyay gabi ahaan Masjidka islamarkaana uu kala orad ku riday jamaacada masjidka ku sugnaa.
Sheekha ayaa xiligaasi dujinaayay rakcadii labaad ee salaada subax,waxana ninkaasi inta aanu shiikha gaadhin gacanta ku dhigay ciidamada amaanka.
Cabdiwaaxid Xidab oo ah Afhayeen u hadlay maamulka guud ee Masjidka ayaa sheegay in qofkaasi isku dayay inuu dhibaateyo sheekh Xudeyfi uu ahaa qof maskax ahaan xanuunsanaya,qabayna cudur xaga nafsiyaadka ,waxa uu afhayeenka cadeeyay in ay saameyn ku yeelatay ruuxaasi quraankii uu aqrinayay sheekha kadibna uu isku dayay inuu waxyeeleeyo imaamka.
Warbahinnta Sacuudiga ayaa si aad ah u hadalhaysa dhacdadaasi,Ninkaani oo markii hore dadkii tukanayay kamid ahaa ayaa rakacadii labaad waxaa ad u saameysay aayadu uu akhrinayay sheekh Xudeyfi.
Waxa uu bilaabay inuu u dhaq dhaqaaqo dhinaciisa midig iyo bidix waxana uu bilabay inuu si xoog ku jiro safafki dadkii saalada tukanayay inta aanay ciidamada amaanku qaban.
SDN/QJ
