Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo:Waxaan bulshada caalamka ugu baaqeyna in ay si qoto dheer leh uga fiirsadaan dhismaha ciidankaas, iyo hubka lagu soo daldalayo Soomaaliya

Muqdisho May 19,2015 (SDN/QJ)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo  khudbad ka jeediyey munaasabada 18 May ee Somaliland u aqoonsatay in ay tahay maalin xornimo ayaa caalamka uga digey in Soomaaliya loo dhiso ciidan xoog leh.

Siilaanyo oo ahaa hogaamiyihii ururkii SNM ee la soo dagaalamay dowladii Maxamed Siyaad ayaa ku sheegay qudbadiisa maanta in hubka la keenayo dalka Soomaaliya uu yahay mid halis keeni kara isagoo si gaar ah u xusay in ciidamada lagu mideynayo qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya ay yihiin kuwo khatar ku ah Geeska Afrika, waxaana uu ku celceliyey in Soomaaliya oo yeelata ciidamo ay hurin doonto colaad ka dhacda gobolka oo dhan.

“Waxaan bulshada caalamka ugu baaqeyna in ay si qoto dheer leh uga fiirsadaan dhismaha ciidankaas, iyo hubka lagu soo daldalayo Soomaaliya”, ayuu yiri Siilaanyo.

Muddo kabadan labaatan sano ayaa nabad ay ka jirtaa deegaanada Somaliland hase yeeshee deegaanadaas ayaan helin wax aqoonsi ah, waxaana burbur ku yimid dhowaan shir ay yeelan lahaayeen dowlada Federalka Somaaliya iyo maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa awoodii ciidamada xoogga dalka waxaana weli horyaal dowlada awooda ururka Alshabaab oo deegaano ka mid ah koofurta dalka Soomaaliya weli ku sugan.

 SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com