Muqdisho:May,20,2015(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamada Militeriga Somalia ay Degmada Hodan ku toogteen Laba sarkaal oo katirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Somalia.
Tani waxay daba socotaa laba askari oo militariga ka tirsanaa oo Isniintii shalay lagu dilay xaafada Sey Biyaano, iyadoo ay dilkooduna geysteen Ciidanka Nabad Suggida.
Askar ka tirsan Nabad Suggida oo watay laba gaadhi oo nooca dagaalka ah oo tagey Sey Biyaano, ayaa waxaa la soo sheegayaa in rasaas looga hortagay, taa oo keentay inay dib u laabtan.
Nin kale oo 3-aad, ayaa waxaa xalay makhribkii lagu dilay Isgoyska Zoope, ka dib markii uu xabad ku dhuftay mid ka mid ah Ilaalada Safaari Hotel. Marxuumka oo wade ka ahaa gaadiidka dadweynaha ee caasiga/hoomey, ayaa gaadhiga soo dhigay afaafka hore ee Hotelka, waxaana labada dhinac la tilmaamay inay wada murmeen.
Laamaha ammaanka Gobolka Banaadir, ayaan wax war ah ka soo saarin dilalka ka wada dhacay Degmada Hodan ee Badhtamaha Magaalada Muqdisho.
SDN/QJ
