Uncategorized

Madaxweyne Obama Oo Furtay Bog Cusub Oo Twitter ah,Macaamiishiisii Oo Daqiiqado Gudahood Xad-dhaaf Ku Noqotay Iyo Su’aal Hal-xidhaale Noqotay Oo Kaga Timi Clinton-kii Ka Horreeyey

Washington:May,20,2015(SDN)-Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Barack Obama, ayaa taariikhda Markii ugu horraysay furtay bog cusub Baraha Bulshadu iskula xidhiidho ee Twitterka ah, iyadoo Daiiqado Gudahood lagu arkay Macaamiil xad-dhaaf ah oo uu taariikda ku geli doono.

TWORAqalka cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay warka ah inuu Madaxweynuhu Bog cusub oo Twitter ah furtay, waxaana cinwaakiisa uu yahay @POTUS, iyadoo la sheegay in laga soo gaabiyay  MagacaMadaxweynaha.

Boggan Cusub ee Madaxweyne Obama Furtay, ayaa lagu arkay Waxyaabo indhaha caalamka soo jiitay, iyadoo ay 25-Daqiiqo ee ugu horreeyey ay soo codsadeen macaamiil gaadhaysa 103,000O(Boqol iyo saddx kun oo Macmiil).

Boggan Madaxweyne Obama ayaa  Lix Saacadood Gudahood ku ku helay Codsiyada Hal Million iyo Badh oo macaamiil ah, kuwaas oo ay kamid yihiin dadka adduunka ugu caansani.

Sidoo kale Obama ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Hello, Twitter! Waa Barack, lix sano kaddib hadda umbay ii oggolaadeen inaan furto bog gaar ii ah”.

Tallaabadan uu Obama ku furtay bog u gaar ah waxay sahli doontaa in dadka ay si toos ah kula xidhiidhaan iyo inuu mar walba la socdo dhaq dhaqaaqa baraha bulshada oo hadda loo arkaa inuu yahay mid ka af dheer warbaahinta.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa durba fikrad ka soo dhiibtay cinwaanka Obama uu sameystay, waxaana uu su’aal uga dhigay in cinwaankan uu xafiiska ku hadhayo iyo in kale, maadaama Obama uu xafiiska ka sii dagayo wixii ka dambeeya sanadka 2016.

Obama ayaa ku soo biiraya dadka caanka ah ee sameysta bogagga Twitter-, sida Madaxweynayaasha, aktarada, ciyaartoyda iyo dadka kale ee magaca leh.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com