Hargeysa,10Aug,2015(QJ/SDN)-laba qof ayaa ku dhintay ,laba kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ,laysku qabsaday dhulku yaala xaafada Jig-Jiga yar gaar ahaana xerataraafikada ex xerataraafikada xaafadaasi, dadkii ku dhaawacmay waxa loo soo qaaday cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa si loogu daaweeyo. ,
waxaanay dadkani ku dhinteen rasaas ay ku fureen ciidanka RRUDU sida ay sheegeen dad goob joogayaala ahaa ka dib markii labada qolo ee guriga isku heystay qolo ka mid ahi ay shiideen ciidanki oo ay dhagxaan la dhaceen ,hal askarina kaga dhaawacmay dhagxaanta ay dadku tuurayeen
Cabdi Daahir Camuud wasiir ku xigeenka abniga wasaarada arrimaha gudaha oo lahadlay warbaahinta ayaa faah faahinka bix iyay sida ay wax u dhaceen waxaanu yidhi “Waxa
ka dhacday Xaafadda Jig-jiga yar ee Magaaladda Hargeysa Guri la dhisayay oo dhulkiisa la isku haystay ayay Dawladda Hoose tidhi hala joojiyo, ka dibna ciidanka Boolisku way joojiyeen oo meeshii ayay tageen markaa dad ayaa diidanaa in la joojiyo oo booliskii shiiday, hase yeeshee gambalkii markii uu dhacay xalay ayaa waxa haddana meeshii yimid dad kale waxaanay weerareen Ciidanka booliska ee goobtaas ku sugnaa.”
.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay sababta dilka keentay waxaanu yidhi “Markii ciidammadii la dhagaxeeyay ee la soo hujuumay waxa goobtii ku dhintay ilmo yar oo sagaal jir ah oo xabadu jeeraaro ugu tagtay meel u dhow dhulkan, halka laba qof oo kalena ka dhaawacmeen,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Amniga Cabdi Daahir Cammuud.
Wasiir Ku xigeenku waxa uu intaasi ku daray inuu ka xun yahay khasaaraha goobtaas ka dhacay, waxase uu dadweynaha ugu baaqay inaanay waxyeelaynin ciidammadda Booliska ee nabad-gelyadda sugaya, waxaanu tilmaamay inay jiraan askar wax ku noqotay dhagaxaantii ay tuurayeen dadkii diidanaa joojinta dhulkaasi. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay jiraan dad loo qab-qabtay dhacdan oo Boolisku xidheen.
Mushkiladda dhulka oo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo noqnoqonayay Caasimadda Hargeysa, oo marwalba khilaafka dhulku sababo khasaare iskugu jira dhimasho iyo Dhaawacba.
