Hargeysa,4sep,2015(QJ/SDN0-Roob lagu diirsaday ayaa galabta ilaa caawa ka da’ayay magaalada Caasimda ah ee Somaliland ee Hargeysa, roobkan ayaa la sheegayaa in uu wada gaadhay guud ahaan gobolka maroodi-jeex iyo qaybo badan oo ka mid ah deegaanada Galbeedka Somaliland. Roobabkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii u danbeeyay ay qaylo-dhaanta ku aadan abaaraha iyo biyo la’aantu isasoo taraysay, iyadoo meelaha qaar ay biyo dhaan xoogleh ay ka bilaabmatay. Haddaba raxmaadka eebbe ayaa jawaab degdeg ah u noqday abaarihii iyo biyo la’aantii ay bulshada mudooyinkii u danbeeyay ka cabanaysay.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro Laga Soo qaaday Roobka ka da’ay Magaalada Hargeysa iyadoo daadadku ay qul-qulayaan laamiyada magaalada.


QJ/SDN: Hargeysa
