Uncategorized

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Oo Xilkii Laga Qaaday Isagoo Dalka Ka Maqan iyo Cidda Xilka-qaadistaas Dabada Ka Riixaysay

Muqdisho:Sep,04,2015(SDN/QJ)-Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), ayaa shalay oo khamiis ahayd xilkii laga qaaday isagoo dalka dibadda kaga maqan, isla-markaana Booqasho ku jooga Dalka Talyaaniga.

qGeneral Daahir Aadan Cilmi, ayaan xidhiidh wanaagsan la lahayn Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya, General C/qaadir Sheekh Cali Diini, waana sababta loo malaynayo inay  xil kaqaadistiisa xilligan uu dibadda ku maqnaa keentay.

Wasiirka, ayaa bishii February warqad ka dhan ah Sarkaalkaasi u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo markaasi ku dhaliilaya in uu musuq maasuqay mushaaraadkii, saadkii iyo sahaydii Ciidanka Xooga Dalka.

Wasiirka, ayaa warqadda ku xusay in General Indha-qarshe iyo C/laahi Macalin Nuur, Taliyaha Saadka & Sahayda Ciidanka Xooga Dalka, uu labaduba codsanayo in Maxkamad la soo taaggo, iyagoo xadgudub ku sameeyay wixii loogu talla-galay Ciidanka Xooga.

 

Ilo wareedyo muhiim ah, ayaa  warbaahinta u xaqiijiyey in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka horyimid in sharciga lala tiigsado xubnahaasi, oo si dhow Madaxweynaha loola xidhiidhiyo.

Dadka aragtida fog leh, ayaa dhaliilo kul kulul u jeediyay General Indha-qarshe mudadii uu xilka hayey, isla-markaana uu curyaamiyay shaqadii Ciidanka Militariga Somaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com