Uncategorized

Xarakada Al-shabaab oo Soo Bandhigtay SAWIRRADA Weerarkii ay Todobaadkii hore ku qaaday Xerada Jannaale

Muqdisho,7sep,2015(QJ/SDN)-Al-shabaab ayaa soo Bandhigtay Maanta SAWIRRO Muujinaya Weerarkii ay 01-dii bishan September ku Qaadday Saldhig Ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo sheegay inay ku dileen Weerarkaas Askar fara badan oo ciidamada AMISOM ee dalka Uganda ka socda ka tisranaa.

Weerarka oo ahaa ugu Xumaa oo ay Al-shabaab ku Qaaddo saldhigyada AMISOM, marka laga reebo Weerarkii horay ugu qaadday saldhigga AMISOM ee deegaalka Leego oo ay ku dileen in ka badan 60-askari oo AMISOM ka tirsan.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa oo sawirradan kusoo bandhigtay website-yadooda ayaa xustay in saldhiga ay ka qaateen saanado milateri oo isugu jira hub iyo qalab kale oo ay AMISOM lahaayeen; inkastoo taliska guud ee AMISOM uu beeniyay in saanado millateri laga qaatay saldhiggooda Jannaale.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale xustay in Weerarkaas uu ahaa mid ay ugu Aar-gudayeen Dad Shacab ah oo ku sugnaa xaflad Aroos oo ay ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ku 31-kii July, 2015-ka guri ku yaalla Xaafadda Ruusiya oo ka tirsan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, Millateriga dalka Uganda ayaa sheegtay in weerarkaas looga dilay 12 ka mid ah askartooda ka howlgala Somalia, sidoo kalena looga dhaawacay 12 oo Askari, iyadoo maydadka askarta dhintay la geeyay Kampala halkaasoo lagu aasay.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa ciidanka AMISOM ku qasbay inay isaga baxaan saldhigyo ay kaga sugnaayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Al-shabaab ay ku goodisay mar kale inay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah AMISOM.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro Dhammeystiran.

201597635772053712368866Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (1) 201597635772053795788077Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (2) 201597635772054240901020Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (6) 201597635772054427910533Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (8) 201597635772054524941958Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (7) 201597635772054747659068Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (3) 201597635772054911396304Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (4) 201597635772055092781935Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (5) 201597635772055315072518Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (9) 201597635772055443477040Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (10) 201597635772055809763087Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (12) (1) 201597635772055809763087Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (12) 201597635772056106091071Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (13) 201597635772056266548518Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (14) 201597635772056384804452Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (15) 201597635772057319464360Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (16)

QJ/SDN; Muqdisho