Berbera 05.Oct 2015 (SDN/QJ)- Goor dhoweyd ayaa xabsiga loo taxaabay laba weriye oo ka kala hawlgala warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Berbera iyo 11 oday oo ka mida odayaasha reer berbera .
Weriyayaashan xabsiga Berbera loo taxaabay oo kala ah C/raxmaan Maxamed Cige oo ka hawlgalaga Telefishanka SOMNEWS iyo Weriye Axmed Siciid Maxamed oo isaguna ka hawlgala Telefishanka Kalsan TV ayaa waxa amarka xadhiggoodan bixiyey Wasiir-kuxigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Gadh-dheer oo muddooyinkii u danbeeyeyba magaalada Berbera ku sugnaa.
Waxana wararka qaarkood sheegayaan inay jiraan weriyayaal kale oo sidan oo kale wasiir-kuxigeenkaasi amray in la xidho oo iyagana boliiska magaalada Berbera ay baadidoonkooda ku jiraan.
Warar kale oo hada naga soo gaadhaya berbera ayaa sheegaya in xabsiga iyagana loo taxaabay 11 oday oo ka mida odayaasha gobolka saaxil, arintan ayaa la sheegayaa inay gogol xaadh u sii tahay, go’aanka xukuumadu todobaadkan ku wareejinayso haamaha berbera
