Burco 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xulalka Goboladda Maroodi Jeex,Buuhoodle, Xaysimo iyo Badhan ayaa maanta Ku kulmay Ciyaaraha Is reeb reebka Gobolada Somaliland ee Ka socda Magaalooyinka Boorama iyo Burco.
Xulalka Gobolada Maroodi Jeex iyo Buuhoodle ayaa Garoonka Xaaji Daahir Cilmi ee Magaalada Boorama waxay ku Yeesheen Ciyaar adag oo ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis iyadoo labada Xulba soo bandhigeen ciyaar wanaag isla markaana ay u Muuqatay kuwa is ceshanaya Mid kastaana ku dadaalayay sidii uu Guusha ula caraabi lahaa Waxayna Ciyaartu ilaa hada Maraysaa 3 Gool oo Gobolka Maroodi Jeex leeyahay iyo Hal Gool oo Gobolka Buuhoodle leeyahay.
Dhinaca Magaalada Burco-na waxaa ku Kulmay Garoonka Alamse Studium Xulalka Gobolada Badhan iyo Xaysimo Waxaa Xulka Gobolka Xaysimo ay Ku hogaaminayaan Hal Gool Iyo Eber.
HALKAN SI TOOS AH UGA DHAGAYSO TARTANKA CIYAARAHA GOBOLADA SOMALILAND
