Uncategorized

Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Oo Sheegay In Ay Gacanta Kusoo Dhigeen Dadkii ka Danbeeyay Falkii Ka Dhacay Guriga Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

Hargeysa,7Oct,2015(QJ/SDN)-Shir jaraa’id oo uu goordhaweyd taliyaha bileyska ciidanka Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ku sheegay hawl-gallo kala duwan oo ciidamada ammaanka Somaliland ay maanta ka fuliyeen magaalada Boorama in ay gacanta kusoo dhigeen shan eedaysane oo mid ka mid ah uu dhaawac yahay kuwaas oo lala xidhiidhinayo inay ka mid yihiin kooxdii habeenkii xalayd ahayd weerarka kusoo qaaday hoyga uu magaalada Boorame ka deganyahay badhasaabka gobolka awdal. Weerarkaasi oo ay ku dhinteen laba askari oo ka mid ahaa ilaalada badhasaabka, Halka kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.

Warkaas Oo Faahfaahsan Halkan Hoose Ka Daawo:

QJ/SDN: Hargeysa