Muqdisho,8Oct,2015(QJ/SDN)-Laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa, ayaa xilligii Salaadda Maqrib ee xalay waxay Degmada Dharkiinley Ee Gobolka Banaadir ku toogteen Nabadoon Isaaq Madaxey, oo ka mid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Nabadoonka, ayaa waxay rag bastoolado ku hubeysnaa ku weerareen halka loo yaqaano Dabakaayo Madow, oo ay ka ag-dhow yihiin Ciidamada Nabad Suggida & Booliska ka hawlgala Degmadaasi Dharkiinley.
Raggaasi, ayaa waxaa la sheegay in meyd ahaan ay kaga taggeen Nabadoon Isaaq Madaxey. Laakiin isagoo dhaawac dhexe qaba, ayaa daqiiqado ka dib loo qaaday Isbitaalka Madiina, oo lagu dabiibayo.
Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya nooca uu yahay dhaawaca Oday Dhaqameedkaasi, hase ahaatee ilo madax bannaan waxay Qurbejoog.Com u xaqiijiyen in dhaawaciisu uu yahay mid aan buurnayn.
Dableydaasi, ayaa waxay weerarkaasi ka dib ka baxsadeen goobtii ay ka gaysteen, waxaana adkaatay in gacanta lagu soo dhigo, lana horkeeno Sharciga.
Subaxnimadii shalay, ayay ahayd markii Degmada Wadajir lagu dilay Liibaan Cismaan Cilmi, oo adeer uu ugu aadan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo nin kale oo la socday, laguna magacaabi jiray C/qaadir Maxamed Yabarow. Yabarow waxa uu ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda Somaliya.
Degmooyinka Dharkiinley & Wadajir oo leesku yidhaahdo (Madiina), ayaa waxaa ku badan dilalka ay ka gaysanayan kooxaha dowladda kasoo hor jeeda, marka aad u fiiriso Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.

