Uncategorized

“Xaaji Cabdikariim Wuu Caafimaad Qabaa Mana Dhiman Ee Maalintiisa Ayuu Hoyanayaa” Taliyaha Laanta Socdaalka

Hargaysa 20.Dec 2015 (SDN/QJ):- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Ina-cambaro), ayaa beeniyay guud ahaanba warar been abuur ah oo lagu sheegay inuu Geeriyooday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabd-Waraabe), waxaanu Taliyihu sheegay in warkaasi yahay war aan waxba ka jirin habayaraatee,oo lagu khalkhal galiyay bulshada.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cambaro  oo arrimaha ka hadlay wuuxu yidhi “Dad badan ayaa isoo waydiinaya ilaa hada, laakiin waxaan saaka  (shalay),  arooryadii hore ilaa xalay la xdhiidhay Axmed Xaaji Cabdi saakana wuu kaadi tagey, laakiin maalintiisa ayuu hoyanayaa, dadkana yaan been loo sheegin, mar labaad ayaan leeyahay Xaaji Cabdikariin Xuseen(Cabdi-Waraabe), wuu caafimaad qabaa maalintiisa ayuu hoyanayaa”Ayuu yidhi.

Xaaji Cabdikariim Xuseen ayaa dhawaan loo qaaday dalka Dibadiisa Xaalad Caafimaad awgeed iyadoo ay Caasimada Hargeysa guriga uu ka degan yahay ku booqdeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).