Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cabdilaahi Fadal ayaa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhac ku yimaada Mar kale Doorashooyinka Somaliland, isla markaana waxa uu dhaliilay qaabka Xukuumadda KULMIYE u dhaqmayso.
Dr. Fadal waxa uu sidaa ku sheegay Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa,
“Meelaha waxaynu ka maqlaynaa Kordhin….waxa Dawlada KULMIYE tacab u noqotay waxa tacabka intaas leeg loo soo galay waa la kordhinayaa wax ayaa la kala saarayaa iyo dib ayaa loo dhigayaa..”Ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga WADDANI Dr. Fadal
