Muqdisho, 23 August, 2016-(SDN/QJ): – Iyadoo hore Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Ee kasoo jeeda Soomaliland kuna sugan Muqdisho ay qaadaceen qodobadii kazoo baxay Shirkii Muqdisho Ee Madasha ayaa haatan waxa soo kordhay war ka duwan go’aankii ay qaateen.
Waxgaradka ayaa kulan ay yeesheen waxay isku raaceen in ay gor gortan Siyaasadeed ka galaan qoondada Beelaha Soomaaliland kasoo jeeda ka helayaan Xubnaha Dawlada Cusub Ee Lasoo dhisayo Soomaaliya.
