Burco 07. January 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Magaalada Burco Aas Qaran loogu Sameeyay Alle Naxariistiisi Janno ha ugu Deeqee Gudoomiyihii Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Sanaag Aniis Saalax Xaaji Xasan Kadib Markii uu doraad ku Geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay Jidka isku Xidha Magaalooyinka Berbera iyo Burco.
