Dubai 29. May 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa daboolka ka qaaday inay adagtahay in doorasho la galo inta ugaadhsiga lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo qaarkoodna la xidho, qaarna la weeraro.
Cirro, oo khudbad ka jeediyay munaasibad soo dhawayn ah oo loogu sameeyay dalka Imaaraadka Carabta, wuxuu sheegay inay xisbi ahaan aaminsanyihiin inay ka horeeyaan xisbiyada kale, marka la saadaalinayo natiijada doorashada madaxtooyada, wuxuuse soo jeediyay in doorashadu noqoto mid xor iyo xalaal ah.
Cirro waxa kale oo uu sheegay inay isku milmeen garsoorkii iyo xeer ilaalintu, isagoo ku soo hal qabsanaya rafcaan ay toddobaadkii hore xeer ilaalintu ka qaadatay xukun sii dayn ah oo ay maxkamadda Hargeysa ku fasaxday guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee Waddani Maxamed-sidiiq Dhamme.
https://www.youtube.com/watch?v=V46xkasdcwU&feature=share
