Hargaysa 13. August 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay uga socoto hawsha qaadashada kaadhka codbixiyaha iyadoo labadan gobol yihiin kuwa lagu soo Khatimayo qaadashada kaadhka codbixiyaha.
Wasiirul dawlaha amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa sidoo kale Jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay wasiirka amniga ee maamul goboleedka punt land.

