Hargaysa 09. September 2017 (SDN/QJ):-Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Hadhimo-sharafeed u sameeyay Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Baho-dhamal ee Ciidagale.
Odayaal iyo Waxgarad Beelaha Baho-dhamal ah oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Cid walba ogyihiin inay ka mid yihiin Aasaasayaasha Xisbiga WADDANI, sidaa darteedna ay taageerayaan marka la gaadho Doorashada Madaxtooyada Somaliland.
https://www.youtube.com/watch?time_continue=4&v=lTvM06p05_c
