Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Oo Xaqiijiyay Taageerada Ay U Hayaan Somaliya

Ankara (QJ) – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa si cad u sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya. Isagoo wareysi siinayay Majaladda Jeune Afrique ayuu ku nuux-nuux saday doorka muhiimka ah ee Turkiga uu ka qaadanayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta amniga Soomaaliya.

Wasiir Fidan ayaa ku tilmaantay Soomaaliya dal muhiim u ah istaraatiijiyadda gobolka ee Turkiga, isagoo carabka ku adkeeyay in Ankara ay ka go’an tahay inay taageerto nabadaynta, dib u dhiska, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay xiriirka labada dal, wuxuu xusay in iskaashigu uu yahay mid qoto dheer oo istaraatiiji ah, iyadoo Turkigu uu sii wado taageerada uu ka siiyo difaaca, gargaarka bini’aadantinimo, iyo horumarinta dhaqaalaha. Sidoo kale, waxa uu carabka ku dhuftay in Turkiga uu si dhow ula shaqeynaayo Dowladda Federalka Somaliya, si sare loogu qaado tayada Ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka.

Hadalkaan ayaa imaanaya wax yar kadib markii Turkiga uu ku dhawaaqay heshiis cusub oo iskaashi dhanka difaaca ah oo uu la galay Soomaaliya. Heshiiska waxaa ka mid ah tababaro ciidan, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo bixinta agabka muhiimka u ah howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Taageerada joogtada ah ee Turkiga ayaa noqotay tiir muhiim u ah dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku gaarto xasillooni waarta, iyadoo Ankara ay u soo baxday saaxiib istiraatijiyadeed oo la isku halayn karo.